|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland oo kulan la qaatay Xildhibaanno reer Uganda ah
July 18, 2018 - Written by Editor:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Kulan La Qaatay Xildhibaanno iyo Masuuliyiin Ka tirsan Dawladda Uganda Hargeysa:18/07/2018(W.N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefdi ballaadhan oo ka socda dalka Uganda, kuwaas oo ka kooban xildhibaanno Baarlamaan iyo xubno dawladda ka tirsan. Kulanka uu madaxweynuhu la yeeshay xubnaha wefdiga xildhibaannada ah ee ka socday dalka Uganda, ayaa waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), guddoomiyaha Baarlamaanka, Mudane Baashe Maxamed Faarax iyo wasiirka arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire, waxana lagaga wada-hadlay arrimo door ah oo ku saabsan horumarinta xidhiidhka ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Uganda iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland,Dr. Sacad Cali Shire oo markii kulankaasi soo dhammaaday warbaahinta la hadlay, ayaa ugu horrayn sharraxay kulanka dhexmaray madaxweynaha iyo wefdiga, waxana uu yidhi, “Waxa halkan inoogu yimi oo soo booqday madaxweynaha wefdi ka kooban xubnaha Baarlamaanka ee dawladda Uganda oo soo sharfay madaxweynaha, Uganda waa dal uu inaga dhexeeyo cilaaqaad taariikhi ahi oo dad iyo dhaqanba inaga dhexeeyo, madaxweynuhuna aad iyo aad buu usoo dhaweeyey, waxana ay inala joogi doonaan dhawrka cisho ee soo socda, waxana uu kulankani inoo noqon doonaa bilowga cilaaqaad cusub oo dhinac walba ah.” Isaga hadalkiisa sii waxa uu wasiirku intaas ku daray, “Waxa ay madaxweynaha iyo wefdigu ka hadleen cilaaqaadka ina dhexmari kara, iyaguna waa wefdi xog-doon ah oo inay xog-ogaal inoo noqdaan bay inoogu yimaadeen,” ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire.
Related posts:Gudida Joogtada Ah ee Golaha Guurtida Somaliland oo Kulan La Yeeshay Maareeyaha Wakaalada Biyaha Har... DAAWO;-Wasiirka Gaadiidka Iyo Jidadka Jsl Oo Kormeer Ku Tagay Wadada Isku Xidha Allaybaday Iyo Arabs... AGAASIMAHA MAAMULKA LACAGTA EE WASAARADA QORSHAYNTA CISMAAN JAAMAC OO HANTI DHAWRKA GUUD KUSOO SAARA... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|