|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Eritrea oo Ka Degay Magaalada Addis Ababa+SAWIRO
July 14, 2018 - Written by Reporter:Addis Ababa (WJN)- Madaxweynaha Eritrea Isias Afewerki ayaa gaadhay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya markii ugu horraysay muddo ka badan 20 sano. Booqshadiisa ayaa jawaab u ah tii uu todobaadkii hore Eritrea ku tegey ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed. Socdaalkiisa ayaa la filayaa inuu qayb ka qaato isku soo dhoweynta xidhiidhka labada dal oo labaatankii sano ee la soo dhaafay aad u liitay. Xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dal ayaa go’naa tan iyo wakhtigaas, waxaana sidoo kale kala irdhoobay qoysas wada dhashay ama xidid ahaa. Xurguftii labada dal dhex martay ayaa noqotay mid gobolka ku fidday. Tan iyo markii uu dhowr bilood xukunka qabtay ra’iisal wasaare Abiy Axmed, Itoobiya waxaa ka socday isbeddello siyaasadeed iyo kuwo milateri, wuxuuna sidoo kale isku dayayey inuu dib u hagaajiyo xidhiidhka uu dalkiisu la leeyahay waddamada gobolka. Muhiimadda booqashadiisa ay u leedahay gobolka? Eritrea iyo Itoobiya waxaa u dhexeeyay colaad dhanka xadka ah tan iyo sannadkii 2000 markaasi oo la gaadhay heshiis nabadeed oo lagu joojinayo dagaalka oo tobbonaan kun oo qof lagu dilay. Guddiga kormeerka deegannada xadka ah ee lagu muransan yahay ayaa la sameeyay, ka dibna waxaa laga gaadhay heshiis magaalada Badme lagu siiyay Eritrea, halka Itoobiya ay diiday inay aqbasho in magaaladaasi lagu wareejiyo Eritrea. Wixii intaasi ka dambeeyay xaaladda xadka labada dal way kacsanayd. Colaadda labada dal waxay saamayn ku yeelatay gobolka, waxay la kala safteen dhinacyada ku dagaallamayey Soomaaliya. Eritrea waxaa lagu eedeynayay inay taageerto kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalama Soomaaliya halka Itoobiya ay taageerto dowladda Soomaaliya. Maxaa hadda dhacaya? Ilaa xilligii uu Abiy Axmed ra’iisal wasaare Itoobiya ka noqday wuxuu billaabay isbaddalo cusub. Wuxuu kulan magaalada Asmara kula qaatay madaxweynaha Eritrea, halkaaso ay heshiisyo dhowr ah ku kala saxeexdeen.
Related posts:Wasiir Samaale Oo Shaaciyay In Hankiisa Murashaxnimo Uu U Dabo Fadhiyo Wakhtiga Madaxweyne Siilaanyo Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabtay Cismaan Cumar Dool Iyo Banaan Baxyo Ka Dhashay Xadhigiisa... Shacabka Reer Gabiley oo Taageeray Hadalkii Suldaan Ismaaciil, Madaxweyne Biixina Ugu Baaqay In Uu Q... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|