|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya oo Booqanaya Eritrea
July 27, 2018 - Written by Reporter:Muqdisho (WJN)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqanaya dalka Eritrea maalinta Sabtida ah, waana astaantii u dambaysay ee muujinaysa calaaqaadka dublamaasiyadeed ee Geeska Afrika ee is badalaya. Wasiirka warfaafinta ee Eritrea ayaa Twitterkiisa ku soo qoray warkaN, Booqashadan ayaa dabo socota calaaqaadkii ay dib u hagaajiyeen Eritrea iyo Itoobiya. Soomaaliya oo ay xidhiidh dhaw leeyihiin Itoobiya ayay muddo dheer isku xumaayeen Eritrea. Eritrea ayay saarnaayeen cunaqabataynno ay ku soo rogtay Qaramada Midoobay tan iyo sannadkii 2009 markaas oo lagu eedeeyay in ay taageerto al-Shabaab. Asmara ayaase diiday eedaymahaas. Related posts:Midkamid Ah Beelaha Gobolka Gabiley Oo Shaaciyay Musharaxa Utartami doono Doorashada 2026 Ee Golaha ... “Muslimiinta Waxaynu Dagaal ku Qaadnay Dhulkooda Oo Aynu ku Xasuuqnaa, Haddana Waxaynu Doonaynaa Ina... Maayarka Magaalada Gabiley Oo Sifo Sharci Baalmarsan Shaqo Joojin Ugu Sameeyay Haayada Gloppi Oo ka... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|