|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Trump oo qirtay in uu Ruushku gacan ka gaystay doorashadii Maraykanka
July 18, 2018 - Written by Wariye:Hargaysa(WJN):-Madaxweynaha Maraykanka D. Trump ayaa Talaadadii shalay beddelay hadal uu ka sheegay shir-madaxeedkii magaalada Helinski ee dalka Finland ee dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Madaxweyne Trump ayaa hadda sheegay in uu qaatay macluumaadkii sirdoonka Maraykanka ee ku saabsanaa in Ruushku uu faraha la galay doorashadii Maraykanka ee 2016kii, isaga oo maalin ka horna Madaxweyne Putin ku raacay in Ruushku uuna wax kaalin ah ku lahayn faragalinta doorashadii madaxtinimo ee Maraykanka. Hadalkiisan dambe ayaa yimid hal maalin ka dib markii iyada oo la wada arkayo uu oglaaday diidmadii Madaxweyne Vladimar Putin uu ka bixiyey faragalinta doorashada Maraykanka. Arrintan ayaa Madaxweyne Trump u keentay dhaleecayn xoog badan oo kaga timid sharci-dejiyeyaasha labada xisbi, iyaga oo ku canaantay in uu Trump uu qaatay hadalka hogaamiye dal kale, isla markaana uu baal maray hay’adihiisii sirdoonka. Sharci-dejiyeyaasha ayaa hadalkan Trump ku sheegay mid ceeb iyo sharaf dhac ku madaxweynenimada Maraykanka.
Hargaysa Office WAJAALENEWS.NET WARIYE ABDIQADIR HABBANE COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|