Kal-fadhigii 15aad Ee Golaha Deegaanka Degmada Gabiley oo Furmay
July 19, 2018 - Written by Reporter:
Gabiley (WJN)- Kal-fadhigii 15 aad ee golaha deegaanka degmada Gabiley ayaa waxa uu maanta si rasmi ah uga furmay xarunta Dawlada Hoose ee Gabiley.
Kal-fadhigan oo uu shir gudoominayay Maayarka Gabiley islamarkaana ay ka soo qayb galeen 15 Xildhibaan ayaa waxa lagaga dooday sidii dib u eegis loogu samayn lahaa miisaniyadii hore u ansixiyeen goluhu iyo in warbixino laga dhagaysto guddida joogta ah ee golaha.