|
|||||
WAJAALE NEWS
Itoobiya oo Qaramada Midoobay Ka Codsatay in Eritrea Cunaqabateynta Laga Qaado
July 10, 2018 - Written by Reporter:Addis Ababa (WJN)- Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah uga codsatay Qaramada Midoobay in dalka Eritrea laga qaado cunaqabateynta saaran, saacado kaddib markii hogaamiyayaasha labadaasi dal ay saxeexeen is afgarad lagu soo afjarayo xaaladdii colaadda ee dalalkooda u dhaxaysay. Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, oo ka laabtay booqashadii taariikhiga aheyd ee uu Isniintii ku tegay dalka Eritrea, ayaa waxa uu codsiga arrintan hordhigay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ay kulan ku yeesheen magaalada Addis Ababa. Hasayeeshee codsiga noocaasi oo kale ayey tahay inuu ka doodo oo uu meelmariyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Golahaasi oo Eritrea cunaqabateynta ku soo rogay 2009 kaddib markii dalalka dariska la ah ee Bariga Afrika ay ku eedeeyeen in dalkaasi uu taageero maleeshiyaad Islaami ah oo gobolka ka dagaalama. Dowladda uu fadhigeedu yahay magaalada Asmara markastaa waxa ay diidi jirtay eedaha loo soo jeediyay. Codsigan loo gudbiyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters ayey u badan tahay in Golaha Ammaanku uu taageeri doono halkaas oo Itoobiya ay ka tahay xubin aan joogta aheyn.
Related posts:Daawo: Munaasibad Ay Xilka Kula Kala Wareegayen Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Maroodi-jeex Iyo Gudoom... Daawo: Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Gobolka Sanaag Ka Bilaabay Wajigii Labaad Ee Kaadh ... Daawo:Jamaal Cali Xuseen Oo Gaadhay Magaalada Burco Iyo Soo Dhawayn Shilis Oo Uu Kala Kulmay Reer Bu... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|