Imaaraadka oo sheegay in ay hakinayaan Weerarada Ka dhanka ah Xutiyiinta Yemen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Imaaraadka oo sheegay in ay hakinayaan Weerarada Ka dhanka ah Xutiyiinta Yemen
July 1, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (WJN)- Isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in isbahysiga uu sacuudiga hogaamiyo uu joojiyay weerarada ka dhanka ah mucaaradka Xutiyiinta ee ku sugan magaalada Hodeida.

Imaaraadka ayaa qeyb ka ahaa isbaheysiga taageerayay dowlada Yemen markii ay qabsanayeen magaalada Hodeida.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Imaaraadka Anwar Gargash ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in xabad joojintaan looga gol’leeyay in ay meel maraan dadaallada wadahadallada nabadeed ee ay waddo Qarama Midoobay.

Ergeyga gaarka ah ee qaramada midobay u qaabilsan Yemen Martin Griffiths ayaa kulama la yeelanayay dhinacyada isku haya dalka si loo joojiyo dagaalka.

Mr Gargash ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo dadaalada lagu doonayo in xoogagga Xutiyiinta looga saaro magaalada Hodeida.

Dekadda magaalada Xudeydah ayaa ah goob laga soo dajiyo gargaarka bina’aadanimo ee la gaadhsiiyo dadka reer Yemen ee tabaalaysan.

 

 

_102278978_41b95c2c-191d-4623-bea6-a5a5ca0f459d

COMMENTS
LINKS