|
|||||
WAJAALE NEWS
Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Shaacisay 1,252 Shaqaale Caagle Ahaa Oo Mushaharkii Laga Joojay Iyo Tirada Wali La Hubinayo,
July 24, 2018 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N) Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Wasiirka Horumarinta Maaliyada Ku Wareejisay 1,252 Kaalmo Shaqo Oo Lasoo Waayey Dadkii Ku Mushaharka Qaadanayay Kuwaas Oo Hore Ugu Jiray Jadwalka Mushahar Bixinta “Waxa Maanta Wejigii 1-Aad Si Rasmi Ah Loo Joojiyay 1,252 Kaalmo Shaqo Oo Dadkii Ku Mushaharka Qaadanayay Lagu Soo Waayay Diiwaangelintii Dhawaan Ay Samaysay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu Kuwaas Oo Hore Ugu Jiray Jad-Walka Mushahar Bixinta…” Guddoomiye Sharmarke Geelle. Haddaba, diiwaangelinta shaqaalaha dawladda oo mudooyinkii u dambeeyey gacanta lagu hayey ayaa lasoo diiwaangeliyey tiro dhan 14,057 halka ay markii hore diiwaanka mushahar bixinta ay ku jireen 16,533. Faraqa oo dhammaa 2,476 ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay lagu waday dib-u-eegis iyo kala shaandhayn. Ugu dambayn, waxaa raq iyo ruux loo soo waayey baadhid dheer kadib tiro dhan 1,252 halkaas oo aanu maanta ku wareejinay magacdooda iyo darajooyinkooda Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda kuwaas oo isla saaka si rasmi ah loo joojiyey mushahar iyo gunno wixii u qornaa Shaqaalaha kale ee dhiman oo tiradoodu dhan tahay 1,224 ayaa maalmaha soo socda iyagana siyaasad, hubin, iyo go’aamo ka soo bixi doonaan, kuwaas oo u kala baxa: 1- Dhimasho 172 2- Dhul-yaal 132 3- Waxbarasho 87 4- Fasax Caafimaad 69 5- Dad maqnaa xiligii diiwaangelinta iyo kuwo dood magac ka qaldan u socoto 764 Maalmaha soo socda waxa aanu soo gudbin doonnaa inta tiradan dhab ka noqota iyo inta wajiga 2aad iyagana laga tirtiri doono liiska mushahar qaadashada. Waxa hubaal ah in qaran waliba guul ku gaadho sida uu u habaysto shaqaalihiisa isla markaana shaqaaluhu yihiin cidda ka shaqaysa dhinac walba oo horumarka ah. Isla marka la dhameeyo wajiga ugu dambeeya ee kala shaandhaynta, waxa la soo saari donaa hannaanka hufan ee kaalmahaa shaqo loogu buuxin doono iyo fursadaha shaqo ee dhalinyarada dalku ka heli doonaan dib-u-habayntan halka shaqaalaaha dawladdana loo bilaabi doonno tayayn iyo horumarin. Dhinaciisa Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyaa Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa xusay sida uu ugu faraxsan yahay in uu arko midhiihii diiwaangelinta oo guul laga gaadhay sida oo kalena. xusay in ay degdeg uga saari doonaaan liiska mushahar bixinta Wasiirka oo arimahaa ka hadlaya ayaa hoosta ka xariiqay in arintani kamid tahay noocyada musuq-maasuqa ee u baahnaa in wax laga qabto sida oo kalena hay’adda shaqaalaha Dawladda ku ammaanay dedaalka ay hawshan geliyeen. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN OO FAAH FAAHSAN; https://youtu.be/1kDmI7vrz9k Related posts:Raysal-wasaaraha Somaliya Oo Ka Warbixiyay Kulan Ay Wada Yeesheen Madaxwaynaha Kenya Iyo Qodobada Ay... Daawo:Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Booqday Dayaxa Iyo Deegaano Kale oo Ka Tirsan Gobolka Sanaag Oo ... Hay’adda Amoud Foundation oo Daah-furtay Barnaamij Cusub oo Ay Ku Kobcinayso Waxbarashada Gabdhaha COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|