Hay`ada NCR oo qaysas tiradu tahay 199 oo barakacayaal ku wareejisay dhul | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hay`ada NCR oo qaysas tiradu tahay 199 oo barakacayaal ku wareejisay dhul
July 31, 2018 - Written by Wariye:

Hargaysa(WJN):-Hay’adda NRC(Norwegian Refugee Council) ayaa qoysas barakacayaal ah ku wareejisay dhul ay iskood u lahaan doonaan.

Qoysaska lagu wareejiyey dhulka oo tiradoodu gaadhayso 199 ayaa ku nool magaalo jimcaale iyo xaafada Ayax B.

Munaasibad lagu shaacinayey in qoysaskan  barakacayaasha ah lagu wareejinayo dhul ay iskood u yeelan doonaan ayaa waxa ka soo qayb galay gudoomiyaha hay’adda barakacayaasha, gudoomiyaha gobolka Maroodijeex, madaxda hay’adda NRC  iyo masuuliyiin kale.

Madaxa arimaha bulshada ee hay’adda NCR  Khadar Qorane kaas oo ka waramay sharciyada dhulka ee

 

agu wareejinyo qoysaskan waxaanu yidhi “Waxaynu maanta iskugu nimid hawlo aynu in mudo ah soo wadnay taas oo ah inaynu ardiyadaha dhulka u dhamaystirno labadaas xaafadood oo ahaa kuwo laba jeer barakacay, barakacii u horeeyey ee wadanka ku yimaada iyo mar labaad oo loo raray dhulka iyo deegaanka ay dagan yihiin ayaa iyada oo hay’adda NRC iyada oo kaashanaysa midawga yurub iyo hay’addaha kale ee ay wada shaqeeyaan waxay ugu tala galeen inay dadkan u dhamaystiraan ardiyadaha dhulka si ay ula mid noqdaan dadka kale ee caadiga ah oo ay bulshadana si fiican u dhex galaan, mudadii aanu hawshaas wadnayna waxaanu uga mahad celinaynaa NDRF oo hawsha si fiican u daba joogtay iyo dawlada hoose oo fududaysay inay ardiyadahani soo baxaan.”

Gudoomiyaha hay’adda barakacayaasha somaliland Cabdikariin Axmed Xinif oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa balanqaadyo kale u sameeyey dadka barakacayaasha ee aan guryaha loo dhisin waxaanu yidhi “199 fayl ee aanu wareejinayno waxa guryo dhisan ah 145, waxaana aan dhisnayn 54 oo dhul ah iyagana waxaanu rajaynaa inaanu sida ugu dhakhsaha badan u dhisno, maantaba waxaad tihiin dad mulkiyadooda wax ku damiinan kara, midna waad ku tala galaysaan haddii dhul la helo oo ay dawlad hoose dhul bixiso degmada ay doonto ha noqoto 23-ka degmo ee dalkaba ma dhici doonto in dad layska xaadiriyo oo lagu daadiyo, marka aanu ugu liidano waxaanu isku dayi doonaa in marka hore meesha lagu diyaariyo adeegyada aas aasiga ah.”

COMMENTS
LINKS