Gudoomiye Cirro oo Dhaliilihii Ugu Culuslaa U Jeediyay Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, Muxuuse Ka Yidhi Ergadii Garoowe Tagtay iyo Shirkii Brussels | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiye Cirro oo Dhaliilihii Ugu Culuslaa U Jeediyay Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, Muxuuse Ka Yidhi Ergadii Garoowe Tagtay iyo Shirkii Brussels
July 20, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo maanta warbaahinta kula hadley hoyga uu ka degan yahay magaalada Hargeysa waxaa uu si kulul uga hadley arimo badan oo ah xaalada ay maanta Somaliland Mareyso .

Sidoo kale Guddoomiye Ciro arimaha uu sida adag uga hadley waxaa ka mid ah shirkii Brussels Soomaaliya loogu qabtey oo uu sheegay in ay ka qeyb galeen xubno Somaliland matalaayey, Ergedi Garoowe u Tagtay Dagaalka Tukaraq, Siyaasadii Arimaha dibada Somaliland uu sheegay inay meesha ka baxday iyo arimo kale.

Dhanka kale Guddoomiye Ciro waxaa uu ka digay Dib u dhac ku yimaada doorashada, waxaana uu wax aan la aqbali karin ku sifeeyey inay shaqadii sii wataan Kominshanka Doorashooyinka oo uu xisbigiisu kalsoonidii kala noqdey 22 March ee sanadkan.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

COMMENTS
LINKS