Guddoomiyaha Xisbiga Ucid oo Ka Waramay Kulan uu La Yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Xisbiga Ucid oo Ka Waramay Kulan uu La Yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya
July 18, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng, Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu sheegay in ka qayb galkooda shirkii Brussels uu ahaa inay u ololeeyaan mowqifka jamhuuriyadda Somaliland, wixii magaca Soomaaliya lagu bixinayana ay si toos ah qaybtooda uga helaan.

“Xoolaha waan wada leenahay, tan Muqdisho lagu cuno waan wada leenahay, waxaanu jecelnahay iminka in la helo qorshihii aan waxayaga ku qaadan lahayn” ayuu yidhi Faysal oo BBC-da u warramayey.

Mar wax laga weydiiyey kulan ay isaga iyo Cali Khaliif Galaydh oo Somaliland ka socday la yeesheen madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuu sheegay Faysal Cali Waraabe in kulankaas uu codsaday Farmaajo oo ay kala hadleen in “Soomaali aysan maanta u baahnayn dhibaato, wixii loo doortayna ay tahay inuu Soomali hagaajiyo”.

Wuxuu intaa sii raaciyey “Somaliland finalka ayey u soo baxday, halkaa ayeyna taagan tahay. Waxaan u sheegnay in intii uu isagu yimid ay dagaalladu bilaabmeen, wixii aannu kala heshiinnay dawladihii hore ee Soomaaliyana ay ahaayeen in aan la is af lagaadeyn oo laga fogaado wixii xanaf keenaya. Labadayadaba wuu naga yar yahay, waxaannu siinnay aragti waalidnimo iyo odaynimo ku dheehan tahay, waana is af garannay”.

Isagoo ka hadlayey mar lagu celceliyey, oo weliba toos wax looga weydiiyey, in dabaysha isbeddel ee gobolka ka socota, gaar ahaan sida Itoobiya iyo Eritrea oo kale ay isaga u muuqato, wuxuu Faysal Cali Waraabe markii hore ku jawaabay “Farmaajo Hargaysa ha yimaado oo ha ka furo safaaraddii Soomaaliya”, laakinse mar labaad markii su’aasha lagu celiyey ayuu yidhi “annagaa Soomaali isu keennay, annagaa shantii keennay, Jabuuti ha timaado, NFD ha timaado, Ogaden ha timaado, bal markaa na waaya, laakin inta lagu kala maqan yahay wixii wanaagsanaa ee aan wadnay Soomaaliya ayaa bi’isay, innagu dadka waan isku keennay”.

Faysal Cali Waraabe oo aad ugu ololeeya qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland wuxuu si toos ah u diiday in Soomaaliya ay iyagu kala jareen “innagu kuwii isku keenay ayaannu nahay, dadkii dayaaradaha la dhacay, dadkii xabaal wadareedyada sameeyey, kuwaas ayaa kala jaray” ayuu yidhi.

COMMENTS
LINKS