Garoonkii Diyaaradaha Ee Hargaysa oo Qarka u Saaran Inuu Xidhmo Kadib Dil Dilaac Weyn Oo Ku Yimid Dhabaha Diyaaraduhu ka Haadaan!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Garoonkii Diyaaradaha Ee Hargaysa oo Qarka u Saaran Inuu Xidhmo Kadib Dil Dilaac Weyn Oo Ku Yimid Dhabaha Diyaaraduhu ka Haadaan!!
July 4, 2018 - Written by Editor:

Madaarka Cigaal International Airport ee Caasimadda hargaysa ayaa ah Madaarka qudha ee maanta ka shaqeeya Madaaradii Somaliland ku yaalay hasa yeeshee waxaa mudooyinkii u danbeeyay ku yimid khatar sababi karta in la xidho.

Dhabaha Madaarku ku fadhiyo oo dhan 3700 oo Mitire ayaa waxa ku dhacay inuu goo’go iyo dil dilaac waaweyni ku yimaado iyadoo uu Goo’gani ka bilaabmay Meel 1700 Mitire ah kaga beegan dhanka bari Ran wayga madaarka, Dawlada Hoose ee Caasimada hargaysa ayaa ku fashilantay wax ka qabashada iyo hagaajinta dhabaha diyaaraduhu ka haadaan ee madaarka Cigaal International Airport,Sidoo Kale Maamulka Sare ee Hay’adda Duulimaadyada Somaliland Ayaan ilaa hada wax talaabo ah ka qaadin dhaawaca soo gaadhay gegida diyaaradaha,oo nusqaan ku ah qaranka Somaliland.

Burburka Madaarka Cigaal International Airport

Saraakiil sare oo ka tirsan Hay’ada qaramada midoobay ee duulimaadyada ee ICAO oo ka gaabsaday in Magacooda la faafiyo ayaa noo sheegay in googo’an iyo dil dilaaca ku yimid gegida diyaaradaha ee Cigaal International Airport ee Caasimadda Somaliland ee hargaysa uu khatar ku yahay Diyaaradaha waaweyn ee soo fadhiista iyo kuwa ka haada madaarka maadaama uu yaraaday dhabihii u sahli lahaa duulitaanka iyo degitaankooda.

Saraakiishani waxay intaas ku dareen in Diyaaradaha waaweyni ay xaq u leeyihiin ka go’aan gaadhista isticimaalka madaarka marka ay darsaan googo’a iyo dil dilaaca ku yimid dhabaha diyaaradaha ee cigaal,si ay u badbaadiyaan Rakaabka,Agabka Ganacsi iyo Diyaaradahoodaba khatar kaga timaada soo fadhiisashada madaarka Cigaal.

Waxaa arrintan Sababteeda leh aqoon la’aanta Maamulka uu Madaxweynuhu u Magacaabay Hay’ada Duulimaadyada Somaliland iyo madaxda isaga hoosaysa madaarka,Waxaynu og nahay in maanta Somaliland aanay lahayn madaar kale oo ay diyaaraduhu soo fadhiisan karaan maadaama uu xidhan yahay kii Lagu eeran lahaa ee Berbera,waxaa dhici doonta in Diyaaradaha waaweyni dhawrka Cisho ee soo Socda ay shaacin doonaan in aanay soo fadhiisan Karin Madaarka Cigaal International Airport ee Caasimadda Somaliland ee Hargaysa iyagoo ka degi doona Madaarka inoogu dhow oo ah ka ku yaala Magaaladda Muqdisho ee dalka Somalia markaas kadibna ay diyaaradaha yar yar ee Fookarku ka soo qaadi doonaan wixii dad ah ee imanaya caasimadda hargaysa.

Hadaba waxaa la gudboon Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi inuu Gurmad ka galo xaalada foosha xun ee uu Madaarka Caasimada Somaliland ee Hargaysa haatan ku sugan yahay Si aanay u dhicin Go’aan nusqaan ku noqda Duulimaadyada Somaliland ee diyaaradaha waaweyn Isla markaana uu si dhab ah ula xisaabtanto Mas’uuliyiinta isaga hoosaysa maamulka madaarka ,

Sidoo Kale Waa in Madaxweynuhu Kormeer deg deg ah ku tago Madaarka si uu bal Indhihiisa ugu arko Goo’go’a iyo dildilaaca xoogan ee Ku yimid dhabaha ay diyaaraduhu ka haadaan ee Madaarka Cigaal.

 

Allaa Mahad Leh

Waxaa Qoray Saxafi Cabdi-shakuur Xirsi Cabdi

COMMENTS
LINKS