“Faysal Hore Ayuu U diiday In UCID Uu Yahay Xisbi Qaran. Markii loo Taag Waayay Taageerada Uu Shacbiga ka Helay Waxay Ku Soo Ururtay 4%”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Faysal Hore Ayuu U diiday In UCID Uu Yahay Xisbi Qaran. Markii loo Taag Waayay Taageerada Uu Shacbiga ka Helay Waxay Ku Soo Ururtay 4%”Cali Guray.
July 29, 2018 - Written by Editor:

FAYSAL UCID MAAHA EE UCID BAA FAYSAL AH!

 Faysal Hore Ayuu u diiday In UCID Uu Yahay Xisbi Qaran. Markii loo taag waayay taageerada uu shacbiga ka helay waxay ku soo Ururtay 4% wax u soo kordhi karaa ma jiro wax ka sii dhaca mooyaane. Laakiin doorashada wakiilada iyo degaamada oo inay qabsoomi karaan fursadda lagu qiyaasi karo 30% hadiiba ay qabsoomaan wuxu noqon karaa xisbiga kor u kaca ugu badan sameeya taasina maaha taageero u soo kordhi doonta Faysal ama Ucid ee waa fursadda tartanka oo musharixiinta ku soo hungowda labada xisbi ee kale ayaa xisbi madhan oo musharixiin u baahan heli doona taas ayaa fursad waxoogaa kor u kaca uu ka heli doonaa.

CALI GURAY IYO FAYSAL

Laakiin su’aashu waxay tahay muddadii xisbiyada qaranka ee shanta sanadood ahayd waa tii laga dhigay tobanka sanadood oo ku eg 2022 oo ah xiliga ay doorashada Madaxtooyadu ku beegan tahay. Hadii doorashada golayaasha degeanka oo sida muuqata markan ay sedexdan xisbi uun tartami doonaan markii ugu horaysayna ay noqonayso ee sedex xisbi oo keli ah ay u tartamaan kuraasida golayaasha degaamada taasi waxay sedexdan xisbi siinaysaa in doorashada madaxtooyada ee 2022ku hadii ay wakhtigeeda ku qabsoonto ay sedexdan xisbi uun noqonayaan kuwa tartami doonaa waayo 2024ka ka hor ma qabsoomayso doorashada golayaasha degaanada ee tan ka dambe taasoo ah in sedexdan xisbi ay heli doonaan muddo kordhin laba sanadood ugu yaraan ah.

Hadaba Faysal waxa adag sidaa loogu qancin karo iska daa gudoomiye-nimada oo qof kale uu ku wareejiyo eh sida looga dhaadhicin karo mar afraad adigu isma soo sharaxaysid sharci iyo sharci darroba. Markaa musharaxa ucid ee 2022 isaga ayuun baa taagan.

Arinta imika la wadwado ee la leeyahay Farmaajo ayuu la kulmay haba yaraato eh maaha wax uu Somaliland wax ugu dhin is leeyahay, taaga wax baad taraysaa buu u haystaa. Wax kalena maaha keliya waa belwad uu lahaa wax u cusubna maaha.

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

COMMENTS
LINKS