Dhaqan Bi’is Aan Dhoofin, W/Q: Cali Cabdi Coomay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhaqan Bi’is Aan Dhoofin, W/Q: Cali Cabdi Coomay
July 26, 2018 - Written by Reporter:

Intay laba hablood ka soo horbaxeen, ayuu side daa’uuska isu-jajabiyey, markaasay yaab iyo amakaag afka gacanta saareen.

Wuxuu xidhan yahay surwaal aad moodo in loogu talogalay toban jirka, oo labada lugood laga dhigay laba miiq. Garan ku dhagan oo jidhiisu ka muuqdo ayuu ka dul gashan yahay. Muraayad u eeg kuwa cimriga oo ballaadhana wuu gashan yahay, timaha labada dhinac ayaa laga gaagaabiyey, inta sare waa raamo loo eekaysiiyey odaygii heesi jiray ee rastafeeriyaanka ahaa (Bob Marly). Laba kabood oo aan loogu talogelin baalash ayuu xidhan yahay.

Markuu fadhiisanayo waxa muuqata qaybta sare ee dabada, oo garanka iyo surwaalka ayaan isku dhawayn. Dadku waxay ku murmaan, wuxuu ka yimid qurbaha?, maya weligii muu tegin, laakiin qaar ka yimid ayuu la daaqaa, oo haddaa muxuu sidan ugu lebistaa?, dee wuu jeclaaday, hablahana wuu ku beerlaxawsadaa, oo halkaasi khatar weyn ayaa ka soo socota?, oo xaawalay badan ayuu aakhiro u dhaadhicin. Allow sahal amuuraha.

Intay laba hablood ka soo horbaxeen, ayuu side daa’uuska isu-jajabiyey, markaasay yaab iyo amakaag afka gacanta saareen. Socodkiisu waa kuurkuursi aad moodo inuu dhawr jeer adhaxda ka jabay. Oo muxuu la kuurkuursanayaa?. Waa xaragada cusub ee wakhtigan . haa waan gartay, waan fahmi la’aa beryahan oo da’yar badan ayaan ku arkay kuurkuusi.

Wakhtiga uu ku lebistaa waa ugu yaraan saddex saacadood. Markuu raacayo cid ka mid ah qoyskiisa, guriga hore ugama soo baxo. Oo ma caruur buu iska reebayaa sowkan raagay? Maya dharkii buu xidhinayaa. Oo dhar badanaa ma islaan boqol jiraa? Aflagaadadu ma fiicana waa wiil yar oo da’dii xaragada jooga.

Markuu suuqa marayo wuxuu ka tallaabsadaa sinta bidix, ka dib tuur aanu lahayn ayuu isu-yeelaa. Nin waayeel ahaa, ayaa isagoo yaaban dib u jaleecay, markaasu si hoose oo xan ah u yidhi” alla ku doori, waar muxuu ahaa”?.

Qofkan sillooni. Socodkiisan iyo dharkan uu xidhan yahay ayuu aaminsan inuu ku helayo milgo, maamuus iyo qadaran. Oo dhaqan shisheeye ma faan baa?. Dadka qaarkii faan bay u haystaan iyo ilbaxnimo. Oo maxay dhaqankooda ugu faani la’yihiin?. Waxay u haystaan inay dib-u-dhac tahay. Wajigiin gubay. Bal siday u fikirayaan eega. Wallee kuwaasi ayaan meel dheer gaadhin. Iga daa marooradilaacooda, markaan ku arko suuqa ayaan cidhif uga leexdaa.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@hotmail.com

 

.

 

COMMENTS
LINKS