Deg-deg-Madaxweynaha Somaliland Oo Magacaabay Masuuliyiin Cusub+Hay’adaha Loo Igmaday. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Deg-deg-Madaxweynaha Somaliland Oo Magacaabay Masuuliyiin Cusub+Hay’adaha Loo Igmaday.
July 3, 2018 - Written by Editor:

Madaxwaynaha somaliland ayaa laba wareegto oo kala duwan ku magacaabay Gudida Xuquul-insaanka Qaranka iyo Ku xigeenka Hanti-dhowraha guud ee qaranka waxaanay laba wareegto u kala dhignaayeen siddan…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-157/072018, ku magacaabay ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee qaranka.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda uu ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud u leeyahay dhisimaha Qaranka

Markaan Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee Qaranka

Markaan Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markaan Sameeyey: In uu hanan karo xilkan;

Waxaan Go’aamiyey;

In Mudane, Sacad Cabdi Cabdilaahi Riiraash, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Geesta kale waxaa uu Madaxwaynahu magacaaabay Guddida Xuquul-Insaanka

WAR-SAXAAFADEED:03 /07/2018

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-156/072018, ku magacaabay Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Xeerka Komishanka Xuquuqul Aadamah, Xeer Lr. 39/2010;

Markaan Helay: Qoraalka Guddida Xulista Xubnaha Komishanka Xuquuqul Aadamaha;

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda Komishanka Xuquuqul Aadamuhu u leedahay Dhismaha, Sumcaddda iyo Horumarka Qaranka;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan u magacaabo xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin in ay noqdaan Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka:

Tir. Magaca Xilka
1. Maxamed Baaruud Cali Xubin
2. Rooda Axmed Yaasiin Xubin
3. Muuse Cismaan Warsame Xubin
4. Saleebaan Warsame Guuleed Xubin
5. Waris Abshir Xaaji Diiriye Xubin
6. Cumar Maxamuud Xuseen Xubin
7. Cabdirashiid Siciid Cindi Xubin

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Sawirka Xafiiska Af-hayeenka M JSL.
COMMENTS
LINKS