“Dedaalka Ay Muujiyeen Shaqaallaha Wasaaradda Maaliyadda Ee Gobolka Awdal”. W/Q: Warda Cabdiraxman Geelle | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Dedaalka Ay Muujiyeen Shaqaallaha Wasaaradda Maaliyadda Ee Gobolka Awdal”. W/Q: Warda Cabdiraxman Geelle
July 24, 2018 - Written by Reporter:

Tan iyo intii maamulka uu la wareegay madax wayne Muuse Biixi Cabdi waxuu dhiirigaliyey in wasaarad waliba libin laabto howlaheeda shaqo,lana cidhib tiro musuqmaasuqa badheedhka ah iyo kan qarsoonba. Arrintan oo ah mid dawladu dooneyso iney shacbigeeda ku horumariso.


Wasaaradda maaliyadda JSL iyadoo ka duuleysa arrinkaa waxay xooga saartey sidii kor loogu qaadi lahaa dakhliga gobalada oo dhan iyadoo wasaaradda maaliyadda ee xilligan cusubi aaminsantahay marka dakhli lahelo ayaa horumar la sameyn karaa. Sidaa darteed waxay wasaaradda maaliyadda JSL sameysey tartan goboladu ay ku tartamayaan dhakhli kor dhinta iyo shaqo wanaaga.

Waxaynu dhawaan warbaahinta Somaaliland qaar ka mida ka daawanay wasaaradda maaliyadda ee gobolka Awdal oo soo bandhigtey awoodooda shaqo, waxa kale oo ahayd mid fajacisa ah dhaga haygana soo jiidatey,dakhliga gobolkaa Awdal sida uu kor ugu kacay .
Madaxda dakhliga ee wasaaradda maaliyadda ee gobolka Awdal sida waaxaha kastamada iyo cashuuraha barigu waxay caddeeyeen heerka koror siimaha dakhligoodu gaadhey,war bixin tooduna waxay udhig neyd sidan.


Cashuuraha bariga waxa kordhey 81.2% .
Cashuuraha kastamadana waxa kor dhey 50.3%.
Korodhka xaddigan leeg oo ah mid farxad leh in la sheegana muteystey,waligiina halkan oo kale soo gaadhin iyo meel udhow,shaki kuma jiro iney ku timid xoog iyo farsamo cusub oo wasaaradda maaliyaddu la timid.Warbixintan waa mid muwaadinkasta oo horumarka jeceli ku diirsankaro.

Waa maxay haddaba sababta rasmiga ah ee u suura gelisey iney kartidan la yimaadaan shaqaalaha maaliyadda ee gobolka Awdal?
Waxaan isku dayey in aan xogogaal u noqdo farsamadan dadaalka huwan ee wasaaradda maaliyadda ee gobolka Awdal sameeyeen,ku taxaluqa dakhliga waxayna shaqaaluhu si wada jira uga warameen howl qabad kooda.


1.Dhiirigalinta madaxda sare ee wasaaradda oo wasiirku kow ka yahay, oo shaqaalaha ku dardar galiyey sidey uga go’antahay balaadhinta iyo kobcinta dakhli maaliyadeed ku.
2.Cidhib tirka musuqii baah sanaa ee goobaha qaar oo cagta la mariyey.
3.Maamul daadajinta wasaaradda maaliyaddu sameysey oo fududeysey in xafiis waliba iskii isku xilqaamo,keentayna isku xidhnaanshaha shaqaalaha iyo madaxdooda,iyo waliba daacadnimo hor leh.
Nidaamka cusub ee wasaaradda maaliyaddu ku wado howlaheeda dakhli waa mid kor uqaadeysa in gobolada JSL ku tartamaan dakhliga kor u kiciisa, shaqaalaha wasaaraddaha maaliayadda ee gobolka Awdal waxuu rajeynayaa inay ku guulaysan doonaan kaalinta labaad marka la eego dakhliga guud ee gobolada Somaliland.

Qalinkii: Warda Cabdiraxman Geelle
daniyahashi@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS