Dalka Sacuudiga oo Shirinaya Culimada Islaamka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dalka Sacuudiga oo Shirinaya Culimada Islaamka
July 9, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (WJN)- Saudi Arabia ayaa toddobaadkan marti-gelineysa shir ay ka qeyb galayaan aqoonyahanada muslimiinta oo xasilooni iyo nabad loogu raadinayo dalka Afghanistan.

Wafti ka socda 57-ka dal ee Islaamka ayaa la filayaa inay ka qeyb-galaan shirkan oo maalmaha salaasada iyo arbacada ka dhacaya magaalooyinka Jeedah iyo Makkah.

110 aqoonyahan oo muslimiin ah ayaa ka doodi doona dagaalka Afghanistan iyo hanaanka nabadda dalkaas.

Guddiga Sare ee Nabadda Afghanistan ayaa sidoo kale sheegay inay rajeynayaan in kooxda Taliban ay wakiilo u dirsato, si ay uga qeyb-galaan shirka.

Kooxda Taliban ayaan weli wax ah kasoo saarin shirkan, hase yeeshee waxay hore ugu gacan seereen fatwooyin kasoo baxday shirar la mid ahaa oo hore loogu qabta dalalka Afghanistan, Pakistan iyo Indonesia.

 

COMMENTS
LINKS