Ceerigaabo (WJN) –Salaadiin, Cuqaal iyo Waxgarad ka mid ah ergadii nabadaynta Beelaha Ceel-afwayn iyo masuuliyiin Xukuumada ka tirsan ayaa waxa ay gaadheen deegaanka Ceeriyaan ee gobolka Sanaag si ay u soo afjaraan shaqaaqadii dhexmartay labada beelood ee walaalaha ah ee wada dega deegaankaasi.