Bandhiga Carwada Buugagta Hargeysa oo La Soo Gabagabeeyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Bandhiga Carwada Buugagta Hargeysa oo La Soo Gabagabeeyay
July 27, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)-  Waxaa Habeenkii Xalay Ahaa Lagu Soo gabogabeeyey gudaha Caasimada Hargeysa Bandhig Carweedka Buugaagta oo Sanadkiiba halmar lagu Qabto Somaliland.

Munaasibada Carwadan oo Bandhigeedu Soo socday Muddo Todoba cisho ayaa Waxaa Kasoo Qaybgalay Marti Sharaf Kala Duwan oo Ka Kala Socoday Dalalka Caalamka, Iyadoo halkaasi lagu Soo bandhigay Malaayiin Buug oo Bulshada Kala Duwan ka faa,iidaysatay Xogaha Ku Saabsan Dhinaca Aqoonta iyo Waayaha nolosha ee ay qoreen bahda Qalinleyda ee Ku Xeeldheer dhinaca Aqoonta oo isugu jira Dad Ajaanib ah iyo Aqoonyahan Somaliyeedba.

Bandhiga Carwada Sanadkan oo halkudhigiisu ahaa XIKMAD “WISDOM” Ayaa Sidoo Kale Waxaa iyana barbar socotay Muqaalo iyo Masrixiyado ku taxaluqa Dhinaca dhaqanka suuban ee Somaalidu Caanka ku tahay.

Ugu danbayn waxaana halkaasi Bandhigyo kala Duwan Bulshada kala hadlay oo Soo afmeeray Munaasibadan Saraakiisha Xarunta Dhaqanka ee Hargeisa oo ugu Horeeyo Aqoonyahan Jaamac Muuse Jaamac iyo Marti sharaf kale oo kasoo qayb galay Xafladan.

 

Halkan Ka Daawo Qaar Kamida Khudbadihii Laga Jeediyey Xidhitaanka Carwada

https://youtu.be/sOaFrNmy3vI

COMMENTS
LINKS