Baarlamaanka Itoobiya oo liiska argagixisada ka saaray Ururrada mucaaradka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Baarlamaanka Itoobiya oo liiska argagixisada ka saaray Ururrada mucaaradka
July 5, 2018 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN) – Baarlamaanka Itoobiya ayaa fadhi deg-deg ah oo goor dhawayd ay yeesheen ku ansixiyay qaraar ay Golaha wasiirada u soo gudbiyeen, kaasoo ahaa in liiska argagixisada laga saaro ururada hubeysan ee mucaaradka ku ahaa dalkaas.

Xubnaha Baarlamaanka ayaa si aqlabiyad leh u meel mariyay qaraarka liiska Argagixisada looga saaro Ururada Ginbot 7, OLF iyo ONLF.

 

Tallaabadan ayaa ka dambeysay, markii maalin ka hor Golaha Wasiirada Itoobiya isku raaceen in liiska argagixisada laga saaro ururadaas, taasoo qeyb ka ah qorshaha is bedelka uu qaaday Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed.

Boqolaal maxaabiis oo u xidhnaa siyaasadda ayaa dhowaan laga sii daayay xabsiyada Itoobiya, kuwaasoo u badnaa siyaasiyiinta mucaaradka.

Itoobiya ayaa hore u aqoonsatay ururada Ginbot 7, OLF iyo ONLF inay yihiin ururo argagixiso ah oo khatar ku ah Ammaanka Qaranka Itoobiya.

Kummanaan Maxabiis ah oo siyaasiyiin ay ku jiraan ayaa xabsiyada dalka Itoobiya uu ka sii daayay Ra’iisal Wasaare Aby Ahmed oo talada dalkaasi haya wax yar, wuxuuna sameeyay isbedel- weyn oo shacabkiisa ay soo dhaweeyen.

 

COMMENTS
LINKS