|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo ka qayb galay shir caalami ah
July 4, 2018 - Written by Wariye:Hargaysa(WJN):-Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Libaan Yusuf Cismaan ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium kaga qayb galay shir caalami ah oo ay soo qaban qaabisay haayada crans montan forum oo ku saabsan arrimaha iskaashiga caalamiga ah gaar ahaan iskaashiga dhinaca amniga dalalka qaarada Africa, aminga bedeha iyo dekedaha iyo sidii la iskaga kaashan lahaa xoojinta laamaha socdaalka ee dalalka qaarada Africa . Shirkan oo ay kasoo qayb galeen wasiiro, raysal-wasaarayaal iyo madaxweynayaal hore ayaa waxa kamid ahaa Wasiirka Madaxtooyada Sudan, wasiirka Madax- tooyada Gaboon, wasiirka Difaaca ee dalka Macedonia, Safiirada dalalka Ruushka, Maraykanka, Belgium, raysal-wasaareyaal hore iyo madaxwynayaal hore oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee dalka Mali. Wasiir kuxigeenka wasaaradda arrimaha dibedda Liiban Yusuf cusmaan ayaa halkaa kasoo jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa isadoo wasiirku si qoto dheer uga warbixiyey taariikhda Somaliland iyo sida ay Somaliland door muhiima ugu qaadatay amniga qaarada gaar ahaan dhincayada badaha (Maritime) ka iyo xuduudaha.
“Somaliland waxa ay muddo 27 sano ah ku naaloonaysay amni, kala dambayn iyo horumar ay kula noolayd waddamada jaarkeeda ah iyada oo waliba ay ku gaadaanaayeen duruufo amni darro ah oo ka jiray gobolka geeska Africa” Wasiir ku xigeenku waxa uu si qoto dheer uga hadlay geedi socodka horumarka Somaliland iyo hannaanka dimiquraadiyada Somaliland, waxaanu xasuusiyey beesha caalamaka iyo qaramada midoobey sida ay Somaliland xaq ugu leedahay in arrimeheeda la eego maadama ay Somaliland buuxisay shuruudaha dawladnimo oo dhan iyo waliba dhinaca qaanuunka caalamiga ahba. Ka dib markii uu kalnku soo dhamaaday wasiir ku xigeenka wasaaradd arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah liiban Yusuf cisman waxa uu kulamo gaar gaara la yeeshay
Hargaysa Office Wajaalenews.net Wariye Madax banaan Abdiqadir Habbane Related posts:Ciidamada Maraykanka Oo Sheegay Inay Duqaymo Ay Ka Fuliyeen Gudaha Somaliya Ku Dileen 27 Kartirsan K... Waraysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Abwaan Axmed Saleebaan Bide, Kana Waramay Qisada Jacaylkiisii Uu... Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Daah-Furay Shirweynaha Madasha Dhaqaalaha Ee Heer Qaran. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|