33 ruux oo kulayl ugu dhintay Canada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
33 ruux oo kulayl ugu dhintay Canada
July 6, 2018 - Written by Reporter:

Hargeisa (WJN)- Saddex iyo Sodon ruux ayaa ku dhintay qaybaha Koonfureed ee gobolka Quebec ee dalka Canada ka dib markii ay cimilo kulul ku dhufatay halkaas, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Cimiladan kulul ayaa billaabatay Jimcihii, iyadoo kulaylku uu gaadhay 35C (95F) huurkuna uu cirka isku shareeray.

Dhimashada ayaa maalin walba kordhaysay toddobaadkan, dadka u badan ee ay dhibaatadu gaadhayna da’doodu waxay u dhaxaysaa 50 ilaa siddeetan.

Kulaylkan ayaa ah midkii ugu darnaa ee deegaankaas soo mara muddo tobannaan sano ah, sida ay masuuliyintu sheegeen.

Masuuiyiintu waxay ku baaqayaan in dadku ay biyo badan cabbaan, ayna hadh galaan.

“Waxaan samaynaynaa wax kaste oon awoodno” ayuu yidhi Valerie Plante oo ah duqa magaalada Montreal.

 

COMMENTS
LINKS