Xukuumada Somaliland Oo Beenisay In Maxaabiista Uxidhan Budhcad Baddeeda Lagu Jidh Dilo Jeelka Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo Beenisay In Maxaabiista Uxidhan Budhcad Baddeeda Lagu Jidh Dilo Jeelka Hargaysa.
June 2, 2018 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N)- Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland Sarreeye Guuto Xasan Cali Cawad (Xasan Cali Dheere), ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war sheegayey in xabsiga Hargeysa lagu jidh-dilay maxaabiis u xidhan budhcad baddeednimo oo sannadkii 2009kii laga soo xidhay jasiiradda Seychelles kaasi oo uu baahiyey Telifishanka Goobjoog ee waddanka qalalaasuhu hadheeyey ee Soomaaliya.

Somaliland-oo-beenisay-310x137

Taliye Ku xigeenka ciidanka Asluubta oo shalay la hadlay Warbaahinta dawladda , ayaa sheegay inay la yaabeen war ay telefoon ku duubeen saddex ka mid ah maxaabiista ka soo jeeda dalka Soomaaliya oo la hadlay Telefishan Xaruntiisu tahay Muqdisho.

“Waanu la yaabnay warkaas, saddex maxbuus oo jeelkan ku jira oo ka mid ah maxaabiistii lagu maxkamadeeyey jasiiradda Seychelles oo waliba iyagu codsaday in xabsiga Hargeysa la keeno, ayaa warkaas si kastaba ha u duubeenne duubay waxay ku duubeen Mobile galay xabsiga oo aanu imika hayno oo aanu markii dambe ka qaadnay,”ayuu yidhi Taliye ku xigeenka ciidanka Asluubtu.

Waxa kaloo uu tilmaamay in maxaabiistani yihiin kuwo caalami ah isla markaana aanay jirin sabab loo jidh dilaa, waxaanu yidhi; “Maxaabiistani way xukunaayeen waxaanay ahaayeen maxaabiis caalamiya, sabab xabsigan loogu jidh-dilaa ma jirto, waliba xannaano gaar ah ayaanu xanaaneyn jirnay jaaliyadda iyo odayaasha Soomaaliya ee Hargeysa jooga waanu ka wada soconay wixii xabsigu ka dhammaado si wada jir ah ayaanu iskaga xil-qaamaynay oo u dhoofinaynay.”

Taliye Ku-xigeenka Asluubta oo la weydiiyay waxa jira in mid ka mid ah maxaabiistani uu ku dhintay jeelka Hargeysa waxa uu yidhi; “Warkaasi ma jiro jeelka Hargeysa ma aha xabsiyadii hore ee dawladdii Siyaad Barre ee dadka lagu ciqaabi jiray. Waa xabsi ururrada xuquuqul aadanaha u furan, waa xabsi ay looyarradu galaan. Waa xabsi ay bahda caddaaladda oo dhami ay gasho maxaabiis xukuman sabab loo jidh-dilaana ma jirto.”

XIGASHO  WARGAYSKA WADAN,

COMMENTS
LINKS