“Waxaan isku Kaaya qabanayn Midnimadu Waa Muqadas iyo Caalamku Kuma Caawin Karo”..Madaxwayne Muuse Biixi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxaan isku Kaaya qabanayn Midnimadu Waa Muqadas iyo Caalamku Kuma Caawin Karo”..Madaxwayne Muuse Biixi
June 26, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (WJN)- Madaxwaynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wuxaa uu ka jawaabayey go’aankii ay maamul goboleedyada Soomaaliya ku raaceen dawladda federaalka ee ahaa in aan si gaar ah loola macaamilin Somaliland marka laga hadlayo deeqaha caalamiga ah

Madaxwayne Muuse Biixi oo hadalka ka jeediyey munaasabad xalay lagu qabtay Madaxtooyada Somaliland, oo lagu xusayey 26 Juun ayaa dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyadeeda  ku eedeeyey inay ku wadaan weerar iyo cunaqabatayn.

“Markii aan xorriyaddeenni soo ceshannay 1991, iyo 28 sano oo ka dambeeyeyba, waxay nagula jireen dagaal iyo cunaqabatayn ay u dambaysay taa maanta socota oo ah weerar colaadeed oo aan kala hadh lahayn, iyo in waliba waxa lagu caawinayo Somaliland ay caalamka yidhaahdaan lama caawin karo”.ayuu yidhi Madaxwayne Muuse Bixi

“Waxaan isu kaaya qabanayn ‘Soomaali ha midowdo, midnimadu waa muqaddas, Soomaali ma kala maaranto’ iyo ‘xabbadda waan kugu garaacayaa, caalamka hadduu ku caawiyana ma ogoli’ labadaasi isuma kaaya qabanayaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxwayne Muuse Biixi.

COMMENTS
LINKS