“Waxaa Masuuliyad Daro Wayn ah Iyadoo Sidii Loo Doortay Madaxweyne Farmaajo Aysan Dhicin Wada hadal Dhexmara Soomaliya Iyo Somaliland, In Qoraal Caynkaa ah La Soo Saaro”Siyaasi Cabdiraxmaan, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxaa Masuuliyad Daro Wayn ah Iyadoo Sidii Loo Doortay Madaxweyne Farmaajo Aysan Dhicin Wada hadal Dhexmara Soomaliya Iyo Somaliland, In Qoraal Caynkaa ah La Soo Saaro”Siyaasi Cabdiraxmaan,
June 25, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamida Siyaasiyiinta koonfurta Somaliya islamarkaana ah Xubnahan saluugsan Sida ay Madaxwayne farmaajo iyo Raysal wasaare Xasan Khayre wax u wadaan ayaa dhaliilay qoraal ay soo saareen 21/06/2018 kaasi oo ay ku dalbanayaan in la joojiyo deeqaha gaarka loo siiyo Somaliland kana hor imanaya heshiishkii ay wada galeen Somaliland iyo somaliya 2013 ayaa talaabadan ku tilmaamay mid  dhaawacaysa wadahaladii udhexeeyay Laba dal Iyo Is Aaminaadiiba.

siyaasi iyo farmaajo

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishukuur oo barta uu ku leeyahay Xidhiidhka bulshada ee face bookga  ku baahiyay qoraal kooban oo uu arimahan kaga hadlayo kuna dhaliilay Ayaa  

Wuxuna qoraalkani udhignaa sidan;

“Qoraalkan ka soo baxay dawlada Federaalka ah wuxuu dalbanayaa in la joojiyo heshiis ay 2013kii wada galeen Dawladii Soomaaliyeed ee xiligaa jirtay iyo Beesha Caalamka. Heshiiska ayaa dhigayey in Somaliland macaamil gaar ah la siiyo mashaariicda deeqaha horumarineed (The Somaliland Special Arrangement).

Waxaa masuuliyad dari wayn ah iyadoo sidii loo doortay Madaxweyne Farmaajo aysan dhicin wada hadal dhexmara Soomaliya iyo Somaliland, iyadoo colaadii Tukaraq weli taagan tahay in qoraal caynkaan ah xiligan la soo saaro. Qoraalkani wuxuu maja xaabinayaa rajadii wadahadal ee labada dhinac, wuxuu dhaawacaya is aaminada iyo kalsoonida la isku qabi karo.

Maamulka haatan jira wuxuu caado ka dhigtay in awooda iyo magaca dawlada ay u adeegsadaan cagajuglayn, cadaadis iyo caburin, halkii loo isticmaali lahaa isku soo dhowayn, kalsooni dhisid iyo dib u heshiisiin.

 

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishukuur,

 

COMMENTS
LINKS