Wax baro aad wax akhridide | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wax baro aad wax akhridide
June 5, 2018 - Written by Reporter:

Umadaha hadaba wax akhriyaa way ka horeeyaan kuwa aan wax akhriyin taasi waa xaqiiqo jirta oo aan marnaba layska indha tiri karin waxaanad

Dhamaan waxaan salaamayaa bulshada somaliland meel kasta oo ay joogto debed iyo gudaba ,waxaan kaloo salaamayaa bahda saxaafada qaybaheed kala duwan

Muhimada akhrisku leeyahay iyo faaiidada ku jirta maaha mid lasoo koobi karo maqaal iyo labana laguma dhamayn karo ,waxaa kaloo ku lamaan akhriska qoraalka waayo marhadaan buugaag la qoraa jirin oo lasoo saaraa akhriskuna ma jirayo .

Umadaha hadaba wax akhriyaa way ka horeeyaan kuwa aan wax akhriyin taasi waa xaqiiqo jirta oo aan marnaba layska indha tiri karin waxaanad ka garan kartaa farqiga u dhexeeya xaga horumarka dowladaha huruumaray ee caalamka iyo kuwa loo yaqaano caalamka sadexaad ama marka la soo kobo (bari iyo galbeed).

Diraasaadka arimahaa laga sameeyaa waxay kugu ridayaan mararka qaar kood niyad jab aad u balaadhan marka aad ogaato farqiga u dhaxeeya fardiga ama shakhsiga u dhashay dowladaha reer galbeedka iyo ka u dhashay carabaha iyo caalamka sadexaad akhriskooda marka la saaro per centage,waxaa lagu qiyaasay sanadkii 2011inuu fardiga ama shakhsiga carabkii wax akhriyey in 6 daqiiqo u dhiganta waa isku celceline ,halka fardiga ama shakhsiga reer galbeedk u akhriyo sanadkii 12 000 daqiiqo,arintaasi runtii waxay cabsi wayn gelisay khuburada ku xeel dheer arimahaa oo buxuus badan iyo baadhitaano ka sameeyey.

Hadaba marka uu sidaayahay wax akhriska caalamku ee arinkaa aynu ku soo dhextuurno somaaliland halka ay kaga jirto waxaynu odhankaraa waa waxaan la sheegi karin ama laba malayn karin.

Waxaa xusid mudan inta aan la eegin wax akhriska umad in horta diirada la saaro mustawaha tacliimeed ee umadaa iyo shucuubtaasi gaadhsiisantahay ,waxaynu ogsoonahay marba haduu mustawaha jahligu bulsho ku badanyahay (dadka aan waxna akhriyin waxna qorin) in akhriskooduna yaraanayo hadaanu macduumba noqone ,halkaa waxaa inooga cadaanaya inaan percentage wax layaahaa uu bulshadaa noqon karo 0% wax akhriskoodu hadaanu hoosba ka siixigine.

SOMALILAND,waa wadan kamid wadanada caalamka sedexaad kuwa ugu hooseeya dhinac walba marka la eego xaga tanmiyada ama koboca dhinac walba haday tahay dhaqaale ,siyaasad,tacliinta iyo bulsho ahaanba inkastoo ay hadana muuqdaan calaamado ama astaamo bilow u noqonkaraa koboca arimahaa.

Xaga tacliinta hadaan soo qaato oo mowduuceenani ku saabsanyahay waxaa la odhan karaa way ku taagantahay dariiqii ama bilowgii dariiqa horumarka dhinacaa ,maanta bulshadeenu 70% waa dhalinyaro waana cududii dalka waa lagama maarmaan inay helaan tacliin hoose iyo mid sareba si ay uga qayb qaataan koboca arimahaa aan soo tilmaamay ,waxaa astaamahaa bilowgaa ka mida hiidadiilada ku gelinaya markaad aragto tirada dhalinyarada wax barata dugsi hoose ilaa heer jaamacadeed ,waxaa kaloo xusid mudan in jaamacado badan dalkii laga furay oo kala duwan.

intaa markaan ka duulo waxaan odhankaraa waxaa imankara bulsho mustaqbalka wax akhrida oo maskaxda ka kobocda horumarna gaadhsiisa dalkeeda iyo dadkeedaba.

Guntii iyo gabagabadii qoraaga somaliland iyo buugaagta ay soo saaraan waa fara kutiris wax la sheegana maaha inkastoo ay hadana dedaal muujiyaan noociyadooduna maaha kuwo ay ka muuqato kuwo ay faaiidoyin badani ku jiraan ama baahiyaha ka turjumi kara ,waxaynu ogsoonahay inay jiraan naadiyo badan oo lamagac baxay nadiyaasha akhriska waana dedaal runtii lakiin hadana waa kuwo u baahan in la cilmiyeeyo oo latayeeyo aqoona lagu soo kordhiyo iyo baadhitaano .

 

waxaan ku soo gabagabaynayaa  jumladan,,,BUUG AAN AKHRIYEY!!!!!!!!

 

abdirashid osman

abdirashidsmn@yahoo.com

Dubai

00971506972985

COMMENTS
LINKS