|
|||||
WAJAALE NEWS
Warbixin Daboolka Ka Qaaday Musuq Maasuqa Xakamaha Goostay Ee Maayarka Gabiley Iyo Kharashaadka 18 Mashruuc Oo Lagu Lunsaday Miisaaniyadii 2017.
June 20, 2018 - Written by Editor:Ka Akhri Gudaha 18 Mashruuc Oo Laga Lunsaday Miisaaniyada 2017, Qormadii 1Aad. GABILEY(W,N) Tann iyo markii ay hawlo baadhis ah ka Bilaabeen Hantidhawraha guud ee qaranka qaar ka mida Dawladaha hoose ee dalka S/land,waxaa maalinba maalinta ka dambaysa isa soo taraya wararka sheegaya heerka uu marayo ku takrifalka Hantida umada iyo Musuq maasuqa xakamaha goostay ee ay ku kaceen Maayarka Gabiley Maxamed Cumar Cabdi iyo Masuuliyiinta la wadaagtay Masuuliyada Saxeexa, Taasi oo keentay xiligan in hantidhawrka guud ee qaranku ay baadhitaano ka wadaan,Iyadoo,Shabakada wararka Wajaalenews.net Ukuur gashay Xogogaal Unoqoshada Musuq Maasuqa Baahsan Ee Ragaadiyay Golaha Deegaanka Gabiley Ayaa waxay heshay xogta Wax isbadamarin ee Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley Ugudbiyeen Hantidhawraha guud ee Qaranka, Warbixin taasi Oo daboolka ka qaaday xadiga Musuq maasuq Ee uu ku kacay Maayarku iyo Kharashaadka 18 Mashruuc oo Laga Lunsaday Miisaaniyada 2017. una dhignayd Sidan;1. Dayactirka Wadada Boodhlay,waxaa Miisaaniyada 2017 ugu jiray kharash dhan 700,000,000, anagoo cadaymo buuxa u hayna in aan Mashruucaasi wax laga fuliyay aanu jirin .
6.Iibinta Gaadhi Dab Damis ah,waxaa Miisaaniyada 2017 ugu jiray kharash dhan 266,165,000. Anagoo cadaymo buuxa u hayna in aan la fulin Mashruucaasi loo dhaqaaqin xagiisa.7.Dhisme Xarun Caafimaad Tuulada Boqor ah,waxaa Miisaaniyada 2017 ugu jiray kharash dhan 50,000,000.Halka dib loogu soo celiyay Miisaaniyadda Sannadka 2018 loona qoondeeyay 95,000,000.
LASOCO WARBIXINTAN OO AYNU SI QOTODHEER UGU IFTIIMIN DOONA MUSUQ MAASUQA BAAHSAN EE RAGAADIYAY MAGAALADA GABILEY IYO KU TAKRIFALKA HANTIDA UMADA EE UU KU KACAY MAAYARKA MAGAALADA GABILEY. WAJAALENEWS DESK GABILEY OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|