Warbixin Daboolka Ka Qaaday Musuq-Maasuqa Xakamaha Goostay Ee Maayarka Gabiley Iyo Kharashaadka 18 Mashruuc Oo Laga Lunsaday Miisaaniyadii 2017!! Qormadii 2Aad. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warbixin Daboolka Ka Qaaday Musuq-Maasuqa Xakamaha Goostay Ee Maayarka Gabiley Iyo Kharashaadka 18 Mashruuc Oo Laga Lunsaday Miisaaniyadii 2017!! Qormadii 2Aad.
June 21, 2018 - Written by Editor:

Ka Akhri Gudaha 10 Mashruuc Oo Laga Lunsaday Miisaaniyadii 2017 Qormadii 2Aad.

GABILEY (W,N) Fadeexado Musuq maasuq ayaa dibada u soo Baxay tann iyo markii hawlgalo baadhis ah ay ka bilaabeen Hantidhawraha guud ee qaranka S/land qaar ka mida dawladaha hoose ee dalka S/land,isla-markaana Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley ku Eedeeyeen Maayarka Gabiley Maxamed Cumar Cabdi in uu ku kacay Musuq maasuq ay ku tilmaameen mid aanu hore ugu kicin Maayarada Dagmooyinka dalka S/land soo maray.

maayarka gabiley

Waxaanay wararka naga soo gaadhaya Magaalada Gabiley sheegayaan in Hantidhawraha guud ee qaranka S/land uu hawlgalo baadhisa si gaara ugu hubinayo 18 Mashruuc oo Xiildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley u xaqiijeen in laga lunsaday Miisaaniyada Sannadkii hore ee 2017  .

maayar amiin

 Iyadoo,Shabakada wararka ee wajaalenews.net idin soo gudbinaysa qormadii labaad ee warbixin daboolka ka qaaday Kharashaadka 18 Mashruuc oo Laga Lunsaday Miisaaniyadii 2017 oo u dhignayd sidan .

10.Dhismaha Saldhig Boolis Xaafada New Gabiley,waxaa Miisaaniyada 2017 ugu jiray kharash dhan. 169,670,135.Halka dib loogu soo celiyay Miisaaniyada Sannadkan 2018 loona qoondeeyay 200,000,000 lana fuliyay Mashruucaas.

11.Dhismaha Dayrka Dugsiga Hilaac wayne,waxaa Miisaaniyadii 2017 ugu jiray kharash dhan. 321,863,600.Halka dib loogu soo celiyay Miisaaniyada Sannadkan 2018 loona qoondeeyay 150,000,000 .

12.Dugsiga sare ee Deegaanka Marda,waxaa Miisaaniyadii 2017 ugu jiray kharash dhan 200,000,000.Iyadoo cadaymo buuxa u hayaan xildhibaanada hawshan waday in aan la fulin Mashruucaas.

13.Dugsiga hoose dhexe oo Bariga Magaalada ah,waxaa Miisaaniyada 2017 ugu jiray kharash  dhan 252,000,000.Anagoo cadaymo buuxa u hayna in aan la fulin Mashruucaas  .

14.Kor u qaadida dayrka Guriga Martida balaadhinta Dayrka iyo Guriga,waxaa Miisaaniyada 2017 ugu jiray kharash dhan .294,000,000.Anagoo cadaymo buuxa u hayna in aan la fulin Mashruucaas .

15; Dhamaystirka iyo Cawad celinta Guryaha ay Marayso Wadada Afarta Haad ah,waxaa Miisaaniyada 2017 ugu jiray kharash dhan.362,000,000.Anagoo cadaymo buuxa u hayna in aan la fulin Mashruucaas .

16;Iftiiminta Wadooyinka Laamayda ah ee boodhlay iyo New Gabiley,waxaa Miisaaniyada 2017 ugu jiray kharash dhan 230,000,000.Anagoo cadaymo buuxa u hayna in aan la fulin Mashruucaasi.Halka dib loogu soo celiyay Miisaaniyada Sannadkan 2018 loona qoondeeyay kharash dh an 230,000,000.

17.Dib u dhiska Sariimada Hilibka iyo Khudaarta ee hore.waxaa Miisaaniyada 2017 ugu jiray kharash dhan 300,000,000.waa la lunsaday.Halk a dib loogu soo celiyay Miisaaniyada Sannadkan 2018 iyadoo loo qoondeeyay kharash dhan 200,000,000.

18.Green House,waxaa Miisaaniyadii 2017 ugu jiray kharash dhan.192,291,000. waana la lunsaday wax laga fuliyayna ma jirto.Halka dib loogu soo celiyay Miisaaniyada Sannadkan 2018 loona qoondeeyay

Isku soo wada duuboo,waxaa hubaala in Dhamaan Kharashaadka 18 Mashruuc ee laga lunsaday Miisaaniyadii 2017 ay dhan yihiin 4,742,381,135 .Afar Billyan iyo Todoba Boqol iyo Laba Afartan Milyan Sadex boqol iyo kaw Sideetan Kun,boqol shan iyo Sodon Shilin,waajib Distoori ahi ka saaran yahay Hantidhawraha guud ee qaranka S/land  in  ay sharciga Hor keenaan Masuul kasta oo lunsaday hantida umada,Waxaana laga war sugi doonaa talaabada ay  hantidhawrka guud ee S/land ka qaadaan iyagoo gudanaya waajibaadka Dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta Hantida Qaranka waxaa hubaala in Bulshada S/land Rajadoodii dawaladnimo Ku xidhan tahay hadba talaabada ay qaadaan .

 WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

COMMENTS
LINKS