Turkiga oo Ka aargutay Cashuurtii Trump | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Turkiga oo Ka aargutay Cashuurtii Trump
June 22, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (WJN)- Dalka Turkiga ayaa sheegtay in cashuur dhan 1.8 bilyan oo dollar ay saari doonaan badeecadaha lagu soo sameeyo Mareykanka, iyada oo ka aargudaneysa cashuur madaxweyne Trump uu saaray biraha iyo alumuuniyaamta dalkaas.

Ururka ganacsiga adduunka ee WTO ayaa sheegay in cashuuraha cusub ay 266.5 milyan oo dollar kasoo xareyn doonaan alaabo ay ka mid yihiin baabuurta, dhuxusha, waraaqaha, bariiska iyo tubakaada.

Wasiirka dhaqaalaha Turkiga Nihat Zeybekci ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Turkiga uusan ogolaan doonin in “si qaldan loogu eedeeyo caqabadaha dhaqaale ee Mareykanka.”

“Anaga waxaan qeyb ka nahay xalka ee ka mid nihin dhibaatada” ayuu yidhi.

Arbacadii, Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay inuu diyaariyey liiska badeecadaha Mareykanka ah oo ay billaabi doonaan inay kusoo rogaan cashuur 25% ah marka dalalka ururkaas ay yimaadaan.

Tallaabadan ayaa horseedi karta dagaal ganacsi oo buuxa, hadii Trump uu ka dhabeeyo hanjabaadiisa ah inuu cashuur dheeri ah saarayo baabuurta Yurub.

 

COMMENTS
LINKS