|
|||||
WAJAALE NEWS
Taliyaaniga oo si kulul uga jawaabay hadalo ka soo yeedhay madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron.
June 13, 2018 - Written by Wariye:
Hargeisa(WJN):-Raisul wasaariha dalka Taliyaaniga, Giuseppe Conte, ayaa jawaab kulul ka bixiyay eedeeyn uga timid madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Macaron ayaa dhaleeceeyay taliyaaniga ka dib markii ay diideen in dalkoda uu ku soo xirto Markab siday muhaajiriin laga soo badbaadiyay badda Mediterranean-ka. Af-hayeen u hadlay madaxwayne Macron ayaa sheegay in go’aanka Taliyaaniga uu yahay mid xushmad darro ah islamarkana qayrul masuulnimo ah. Balse Mr Conte ayaa sheegay in Taliyaaniga uusan aqbali Karin casharo munaafuqnimo oo ka yimid dalal mar waliba door bidi jiray in ay dhabarka u jeediyaan soogalootiga. Markabkabkani lagu magacaabo Aquarius, ayaa wali ay arrintiisu taagan tahay iyada oo ay jirto in dowladda Spain ay ogolaatay in uu ku soo xirto dekadda magaalada Valencia. Shaqaalaha markabkani ayaa waxa ay sheegeen in markabkani uusan gali Karin saddex maalmood oo safar ah iyada oo ay dad badan saaran yihiin. Hargeisa Office Related posts:Safiirka Itoobiya Ufadhiya Somaliland Oo Ka Baaqday Munaasibad Loogu Sameeyay Magaalada Boorama Iyo ... "Soomaaliya iyo Jabuuti Intaasoo Mashruuc Ayaa Laga Wadaa,Iyo Intaa soo Saldhig Milateri Ayaa Ku Ya... Daawo:-XUKUUMADA SOMALILAND OO KA HADASHAY QAABKII AY U DHACDAY DOORASHADU, UNA MAHAD CELISAY BEESHA... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|