|
|||||
WAJAALE NEWS
Somaliland Xaqbay u leedahay inay Xudkeeda Sugto
June 5, 2018 - Written by Reporter:Ramadaan mobaraak dhamaan meel kasta aad ku soo man tihiin allah haynaga aqbalo dhamaanteen, waxan aan jeclaystay inaan dagaalka ka socda gobol ka sool aragtidayda ka dhiibto allah colaada haynaga qaboojiyo horta dhiig taada ma ogolin waxanan jeclahay in wada hadal iyo dood cilmiyey san looga gudbo dagaal iyo maato la qaxiyo maanta , aduunyadu dhaqaale ayey ku tar tamaysaa maanta , inaynu joogno qarni ka hor halkay joogtay dunidu waa inoo magac xumo !!! waa inaynu barano sidii aynu uwada noolaan lahayn waxna uwada qabsan lahayn inagoo siman oo mid keen ba midka kale uu xaq dhawrayo oo aanu tacadiyeyn ama aanu dulmayn .
Aan usoo noqdo dulucda qormadayda ee sool maxaa ka jira maxaa laysku hayaa muxuuse dabkan iyo coladahan udami la yihiin bal aan qiyaaso aragtiyaha lakala qabo labada dhinac PUNTLAND waxay ku doodaysaa dadka dega sool wada dhalasho ayaa naga dhexaysa. puntland waa maamul goboleed ka tirsan somalia kana amar qaata taas micnaheedu waxa weeye somalia na way ku raac san tahay arinta ah dadka dega sool wada dhalasho aya naga dhexaysa oo waa in aanu maamulnaa waa siday ay leeyihiin siyaasiyiintooduye , SOMALILAND waxa ay leedahay waxaanu xaq uleenahay madaama aanu gooni goosad ku dhawaaqnay mudo rubuc qarni laga joogo dawlad dhamays tirana aanu nahay beesha calamkana aanu ka sugayno citiraaf oo somalia aanu ka go nay waa in aanu xuduudihii caalimiga ahaa ee mustacmarka aanu sugnaaa ,, hadaba meesha ma qabiilo ayaa isku haya mise dawlado ?? tusaale yar oo kooban hadii aan arinta ka bixiyo xadka etopia wuxu kala dhex maraa badhtamaha somali wuxu kala xidhaa qabiilo badan oo wada dhashay buhoodle ayuu badhtanka.ka mara oo bali dhiig buu dhex maraa oo gashaamo aya gunta ugu jirta wajaale ayuu kala dhex mara oo xarshin iyi daroor iyo dhagaxbuur ilaa awaare ayaa hoos tagta etopia war dheer buu maraa ee maxaa looga hadli wayey harti hadii ay maanta sool noqotay gashaamo jig jiga looga taliyaaye ma.is waydiisay sababta waxaan ka wadaa hadalka qabiil dawlad noqon maayo waa dhab kelmadaasi marka sideeda loo qaato dhan walba khalad ba ku jira ee miiska wada hadalka ayaan ku baaqayaaa walayalaal maanta horumar iyo wada nolaansho iyo walal nimo ayaanu rabnaa hadaanu nahay dhalintii dalka si cilmiyeysan udood dawladnimadu ma aha qabiil qabiil lagu riixo MOBARAK DHIIF dhiifmotors@gmail.com
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|