|
|||||
WAJAALE NEWS
Sodon kun oo Arday oo maanta u fadhiistay imtixaankiii shahaadiga ee Somaliland
June 30, 2018 - Written by Reporter:Hargaysa (WJN) – Ku dhowaad sodon kun oo arday ayaa maanta u fadhiistay imtixaankii shahaadiga ee dugsiyadda fasaladda dhexe ee 8aad iyo fasaladda afraad ee dugsiyada sare ee Somaliland. Wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa sheegtay in saaka sideeddii subaxnimo si rasmiya uga bilaabmay dhamaan goboladda iyo degmooyinka Somaliland oo ay wada gaadheen imtixaankaasi dugsiyadad dhexe iyo kuwo sare. Dugsiga dhexe ee fasalada 8aaad waxa u fadhiistay in ku dhow 18,256 Arday , halka fasaladad afraad ee dugsiga sarena u fadhiisanayaaan arday dhan 9,931 arday. Sidoo kale, waxa lagu galayaa imtixaanka 214 goobood, waxa kale oo imtixaaanka galaya 45 arday baahiyaha gaarka leh sida dhagooleyaasha iyo indhooleyaasha oo ka mid noqonaya ardayda imtixaanka u fadhiisanaya,halka ardayda jeelka ku xidhan iyo kuwo xanuun dartii u iman kari waayey si gaar ah imtixaanka loogu diyaariyey. Related posts:DAAWO;-Aas Qaran Oo Magaalada Hargaysa Loogu Sameeyay Badhasaabkii Hore Ee Gobolka Gabiley Marxuum R... Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliland ahna gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo soo gaadhe... Siyaasi/Ganacsade Maxamed Bookh Oo Ka Hadlay Ciidamo Baadhitaan Iyo Hadidaad Ku Sameeyay Huteelkiisa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|