|
|||||
WAJAALE NEWS
Siyaasi Mustafe Shiine oo Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu hadalada qurxoon ficil u bedelo
June 27, 2018 - Written by Reporter:London (WJN)- Badhasaabkii hore gobolka Maroodi Jeex Siyaasi Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine) oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee xisbiga Waddani ayaa waxa uu fariin dhaxal gal ah u soo jeediyay Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi isagoo ugu baaqay in hadaladiisa qurxoon uu u bedelo ficil. “Maanta waxaan dib u dhagaystay hadalkii madaxweyne Muuse Biixi uu ka jeediyay kulankii Wasaarada maaliyada waxa i damqay sida uu u soo bandhigay hadalkii gabadhii kaga hadlaysay barnaamij ka baxay Radio Hargeysa oo ka waramay silaca haysta dadkii abaartu barkicisay ee Burco yimid.” Dadkii masaakiinta ah ee abaarihii taxnaa ay caydheeyeen waxa qaranku ugu talo galay in la gacan qabto waxana xukuumadii Siilaanyo ay dhistay guddi la magac baxay guddida ka soo kabashada abaaraha oo uu Oday isaga dhigay wasiirkii madaxtooyada Maxamuud Xaashi, gelin danbe oo kastana waxa lagu shirsanaa madaxtooyada cid walba oo wax lagu tuhunsanaana waa la gacan togaaleeyay. Ma hubo in gobolada wax naf leh laga helay, balse ogaalkay lacag Malyan iyo dheeraad ah la qabay, waxa kaloo jiray in shirkado waaweyn oo ay DPW ka mid tahay lacago laga qaaday, nasiib daraduse waxay ahayd inaan galaas shaaha looga caanayn dadkaasi dhibaataysnaa, kharashaad dhawr boqol oo kun ahna waxa la yidhi waxay ku baxeen warbaahinta, gaadiid iyo wax la mid ah. Iyadoo ay sidaa tahay ayaa hadana dhalatay dawlada Muuse, waxase nasiib wanaag ah in Xukuumada cusubi ay Maxamuud Xaashi iyo kooxdiisii foodsaarada ahayd kala wareegtay halmilyan oo dollar. Waxaan qirayaa guddidii abaaraha ee uu Saylici hogaaminaayay in ay shaqadoodii sidii ay ahayd uga soo baxeen oo wax sidaa u buuran oo ku baydhay aanay jirin, sida guddida Ina Xaashi, waxa laga yaabaa inay qaar is yidhaahdaan “Ina Xaashi ayuu col la yahay”, hadda ogaada Saylici waa masuulkii shaqada iga hakiyay ugumana ciil qabo oo wixii uu saxay ka xaasidi maayo, wuxuu qaldayna u qurxin maayo. Sidaa daraadeed waxaan madaxweyne Muuse u soo jeedinayaa horta halkii Malyan wax ku daroo hadalka wanaagsan ficil raaci, walaahi waad guuleysan hadaad reeraha silicsan u muraad qumiso oo inta dheregsan oo keliya aadan gogol u dhigin. Waa xaqiiq inaad sida shacabka dareen lee dahay, laakiin waxaa ku ogaysiinayaa inaad fadhido halkii wax laga qabanayay oo ay micnaheedu noqonayso wixii qalooc ah adigaa lagaa sugayaa sixideeda meel kaloo loola eersadaa ma jirtee gacantaadu ha shaqayso”.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|