Shirweynihii Beel weynta Garxajis oo Maalintii Sideedaad Si Habsami ah uga Socda buurta Gacan-libaax iyo Ergooyin Ka Socda Beelaha Somaliland oo Lagu Casuumay Xidhitaanka Shirka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirweynihii Beel weynta Garxajis oo Maalintii Sideedaad Si Habsami ah uga Socda buurta Gacan-libaax iyo Ergooyin Ka Socda Beelaha Somaliland oo Lagu Casuumay Xidhitaanka Shirka
June 30, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (WJN) –Shir weynihii Beel weynta Ismaaciil Sh. Isaxaaq “Garxajis “ee Tol-wanaaje Laba , ayaa maalintii sideedaad si habsami ah uga socda Buurta Gacan-libaax ee degmada Go’da weyn, iyadoo haatan uu shirka Tol-wanaaje Laba  uu  ku sii siqayo xaalad gebo-gebo.

Shirkan Dhaqan ee Beesha Garxajis iskugu timi oo ahaa mid aan Beeshu u kala hadhin qol-qol joog iyo qurba joog-ba , isla markaana aan noociisa hore loo arag, ayaa waxa majaraha u haya oo hagaya  ergooyin laga soo xulay Beelaha Garxajis oo Tiradoodu dhantay 550 Erygey iyo weliba 1000qof kale, kuwaas oo ahaa wax-garad aqoonyahan iyo indhaar-garad kor-joogtanaya Shirka oo goob-jooga ka ah.

Geesta Kalena Shirkan Tol-wanaaje Laba ee Beesha Garxajis oo maalintii sideedaad oo xidhiidh ah si habsami ah uga soconaya  Buurta Gacan-Libaax, ayaa la filayaa in maalinta Beri ah ”Axada” lasoo gunaanado, iyadoo laga soo saaridoonaa war-murtiyeed ay ku jiraan sida la sheegay qodoba aad u mihiim ah .

Dhanka Kalena Shir weynaha Beesha Garxajis ee Tol-wanaaje laba, ayaa waxa kusii qul-qulaya marti sharaf kala duwan oo ka kale socda Beelaha Reer Somaliland, kuwaas lagu martiqaaday xidhitaanka shirka , iyadoo dadka lagu casuumay ee beelaha kala ka socdaa ay iskugu jiraan Madax-dhaqameed ,aqoon-yahan iyo wax-garad, kuwaas oo la filaayo inay caawa ugu dambayn gaadhaan madasha shirka Garxajis ka socdo iyo Buurta Gacan-libaax.

Gunaanadkii Shir weynihii Tol-wanaaje Laba oo maalinkii sideedaad ka socday Buurta Gacan-libaax, ayaa hadda ku dhow Gebo-gebo, iyadoo si rasmi ah loosoo afmeeridoona shirkaasi maalinta Axada ee Beri ah, waxaynu dhawrna waa qodobada kasoo baxay shir weynaha Beesha Garxajis marka lasoo geba-gebeeyo nooca ay noqdaan.

 

36051499_2011081092249410_1822605046055960576_n 36087442_2011082418915944_9199757155610132480_n 36087878_2011082212249298_1544543971345170432_n

 

 

COMMENTS
LINKS