Shirkii Golaha Wasiirada Jsl Oo Lagu Go,aamiyay In Mushaharka Madaxweynaha Iyo Ku-xigeenka + ka Wasiirada 45% loo Jaro Difaaca Qaranka Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkii Golaha Wasiirada Jsl Oo Lagu Go,aamiyay In Mushaharka Madaxweynaha Iyo Ku-xigeenka + ka Wasiirada 45% loo Jaro Difaaca Qaranka Somaliland.
June 7, 2018 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N) – Fadhigii Golaha Wasiirrada Somaliland ee Qabsoomay Khamiistii Maanta ayaa lagu go’aamiyey in Mashaariicda Horumarineed ee ku jira Miisaaniyadda Qaranka boqolkiiba Shan looga jaro Difaaca Qaranka, inta lagu jiro bilaha July illaa December, 2018.

shirka golaha 3

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa boqolkiiba labaatan ka mid ah Mushaharkiisa u jaraya difaaca Qaranka, halka Madaxweyne ku-xigeenkuna uu Mushaharkiisa boqolkiiba 15 u jaraya Difaaca Qaranka.

shirka golaha 1

“Golaha wasiirradu waxa uu go’aamiyey in mashaariicda horumarineed ee miisaaniyadda qaranka ee sanadka 2018-ka bilaha july ilaa iyo December laga jaro 5%(Boqolkiiba shan) lagu kabayo xaaladda difaaca qaranka, isla-markaana mushaharka Madaxweynaha laga gooyo 20%(boqolkiiba labaatan), halka mushaharka madaxweyne-ku-xigeenkana laga jari doono 15% (Boqolkiiba shan iyo toban), iyada oo  xubnaha golaha wasiirradana laga jari doono 10%(Boqolkiiba toban).” Ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedka.

shirka golaha 2

Warka ka soo baxay Madaxtooyada ayaa waxa lagu sheegay in Shirka Khamiislaha ah ee Golaha Wasiirrada Hambalyo iyo bogaadin loogu diray Geesiyaasha ciidanka qaranka ee sugidda xuduudaha iyo difaaca qaranka u dabran.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS