|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirkadda diyaarahada Itoobiya oo 20 Sanno Kadib duulimaad Ku Tageysa Eritrea
June 27, 2018 - Written by Reporter:Addis Ababa (WJN)- Shirkadda diyaaradaha Itoobiya ayaa dib u billaabaysaa duulimaadkeedii ugu horreeyay tan iyo sannadkii 1998-dii oo Itoobiya iyo Eritrea uu dhexmaray dagaalkii xadka. Waxaa shaaca ka qaaday arrintani ra’iisal wasaaraha itoobiya Abiy Axmed xilli uu u munaasabad casho ah oo soo dhawayn ah uu samaynayay wufuud heer sare ah oo Eritrean ah oo boqasho ku joogo dalkaasi. Kulankan ayaa imaanaya xilli dhawaan Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed uu sheegay inuu dhaqan gelinaya heshiiskii 2002-dii ee lagu soo afjaraya dagaalka xadka. 20 sanno wax xidhiidh oo dublumaasiyadeed ma lahayn Itoobiya iyo Eritrea Eritrea ayaa xoriyadda ka heshay Itoobiya sannadkii 19993-dii kaddib markii uu dhexmaray dagaal qaatay 30 sanno balse dagaalkii xadka ayaa socday 5 sanno oo ay ku dhinteen tobbonaan kun oo qof.
Related posts:Ururka Hayaat Women Trust Ayaa Tababar Caafimaad Oo Kor Loogu Qaadayo xirfadaha umulisooyinka ku Q... Agaasimaha Guud Ee Komishanka Tacliinta Sare Oo Kormeer Ku Maray Jaamacadaha Gobollada Galbeedka Som... Ururka Qareenada Somaliland Oo Ka Hadlay Xadhiga Gudoomiye Kuxigeenkii Ururka Iyo Eedaha Ay Ujeediye... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|