|
|||||
WAJAALE NEWS
Raysal wasaaraha ETHIOPIA dr. Abiy Ahmed shaqsi ka miisaan iyo Saamayn badan Sidii laga Saadalinayay ama laga filayay.
June 6, 2018 - Written by Reporter:Raisal wasaraha dalka Ethiopia Ato Abiy Ahmed oo dhawaan la doortay ayaad moodaa shaqsi ka saameyn iyo aragti dheer sidii laga saadaaliyey markii talada dalka Ethiopia loo dhiibey. Dadka ka faalooda siyaasada ayaa saadaalinayey in aanu siyaasada dalka Ethiopia wax badan oo muuqda ka badali doonin Raisal Wasare Abiy Ahmed oo ka soo jeeda qoomiyada ugu tirada badan dalka Ethiopia ee Oromo. 42 jirkani waxa uu dalka Ethiopia judhiiba la soo baxay siyaasad daganaansho nabadgalyo iyo aqoon ku dhisan oo aad laga dareemayo durba mandaqada bariga Africa. Dr Abiy Ahmed waxa uu la soo baxay siyaasad furfuran oo casri ah, marka loo eego siyaasada dalka Ethiopia oo dunidu ku tilmaanto mid siyaasad ahaan aad u kakan dhaqaale ahaana aan aad u furfurneyn walow ay Isa soo badelaysay marba marka dambaysa. Ato Abiy Ahmed waxa uu soo dhaweeyey heshiisyada saamiga, isticmaalka iyo maalgashiga dekada Berbera, sidoo kale waxa uu heshiis saami dekadeed la galay dalka Djibouti oo uu la saxeexday. Waxa kale oo uu ku dhawaaqay dhawaan in uu furayo xuduudka dalka Erateria oo ay in badan Ethiopia iyo Erateria ku dagaalamayeen xuduudka Badhame oo ay ku dhinteen dad marka la isku daro labada dhinacba 70,000kun oo askari ka badan. Talaabo geesinimo iyo ku dhac leh ayuu ka qaatey in uu xal u helo halkaa Erateria hadii uu ku guulaystana wax badan ka badali doonta mandaqada Bariga Africa oo ay labada dalna kala faaiideysan doonaan dhinacii isu socodka iyo ganacsiga. Waxa uu iyadana xidhiidho iyo isfaham intii hore ka weyn la sameeyey dalka Sudan sida warbaahinta lagu qaadaa dhigayey oo iyadana ay Ethiopia isticmaali doonto dekada caalamiga ah ee portsudan iyo arimo kale oo labada dal xidhiidhkooda sii wanaajinayana. Waxa uu shaaciyey in Ethiopia dadkeedu ay maalgashan karaan shirkada diyaaradaha ee Caalamiga ah ee Ethiopian Airlines oo ay saamiyo furi doonaan, waxa iyadana uu sheegay in shirkada isgaadhsiinta dalka Ethiopia ee Ethiopian telecom ay saamiyo ka bixin doonaan. Waa markii ugu horeysay ee Ethiopia dawladeedu adeegyada ay gacanta ku hayso ay soo bandhigto nidaanka dunida casriga ah ee wax isku darsiga, taasi oo dadka Ethiopia ay soo dhaweeyeen, una riyaaqeen in ay furfurnaan iyo fudeyd ganacsi oo badan bilaabi doono. La wareegediisii talada Ethiopia waxa ay dejisay culayskii iyo mucaaradii xooganayd iyo kacdoonadii shacabka Oromia, waxaana sidoo kale ay dejisay ama uu saameyn ku yeeshay dagaaladii qoomiyadaha Oromada iyo Somalida Ethiopia dhex taagnaa oo uu dejiyey. Dr Abiy Ahmed waxa aad moodaa in uu siyaasad aqoon iyo xadaarada cusub ee dunida casriga isticmaalayo qaabka uu wax u wadaana waxa uu muuqdaa mid u wanaagsan Bariga Africa iyo Ethiopia gudaheegaba, waxa la saadaalinayaa in jabhadihii iyo kacdoonadii dalka Ethiopia dibadiisa iyo gudihiisaba ay soo af go’i doonaan, marka uu qaatey siyaasada deris wanaaga iyo wada noolaanshaha horumarka iyo waxwada qabsiga wadamada Ethiopia la jaarka ah oo dhan. Dadka Ethiopia waxa lagu qiyaasaa ku dhowaad 100milyan oo qof, Ethiopia siyaasad ahaan waa dal saameyn weyn ku leh mandaqada ay ku taalo ee bariga Africa iyo guud ahaan Africa ba waxaana ay xaduud dheer iyo saaxiibtinimo la leedahay dalka Jamhuuriyada Somaliland.
Qalinkii: Muhamed Dhimbiil COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|