Ra’iisal Wasaraha Itoobiya oo booqasho Ku Tegay dalka Masar | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ra’iisal Wasaraha Itoobiya oo booqasho Ku Tegay dalka Masar
June 10, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N):- Ra’iisal wasaare daka Itoobiya Abiy Ahmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho 2 maalmood ku tagay dalka Masar, waxaana Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Qaahira, ku soo dhaweeyey Madaxweynaha dalka Msaar, C/Fataah Al-sisi.

Afhayeenka Madaxtooyadda Masar, Basaam Raadi ayaa shegay inay Madaxweyne Al-sisi iyo Ra’isal-wasaaraha Ethiopia yeelan doonaan Kulan Rasmi ah oo looga hadlayo Xidhiidhka Labada Waddan, Muranka Biyo-xidheenka Ethiopia ka dhistay Webiga Niil, iyo Walaaca ay ka qabaan Xaalladaha ka taagan dalalka Somalia, South Sudan iyo qaar ka mid ah dalalka Afrika.

Capture

Ilo ka tirsan Dowladda Ethiopia ayaa sheegay inay Labada Hoggamaiye isla eegi doonaan Ganacsiga, xoojinta xidhiidhka labada dal, Xiisadaha ka taagan Mandaqadda Geeska Afrika oo ay ugu horreeyaan Xiisadaha ka taagan Somalia iyo South Sudan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Masar iyo Ra’isal wasaraaha Ethiopia ayaa la filayaa inay Shir Jaraa’id ku qabtaan Madaxtooyadda Qaahira, oo ay ku faahfaahin doonaan Ajendayaasha ay ka wada hadleen.

Ugu danbayntii booqashada Ra’isul wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa noqo naysa tii ugu horreysay ee uu ku tago dalka Masar tan iyo markii uu xilkaasi qabtay bishii April ee sannadkan. 2018-ka.

 

COMMENTS
LINKS