|
|||||
WAJAALE NEWS
Qarmada Midoobay Waxay Markii Ugu Horaysay Cuno Qabatayn Saartay Hay`adaha Liibiya Dadka Ku Tahriibiya.
June 8, 2018 - Written by Wariye:
Waa markii koobaad ee dad wax tahriibiya lagu daro liiska cunaqabataynnada caalamiga ah. Dadka liiskaas lagu daray waxaa ka kamid ah afar Liibiyaan ah oo uu ka mid yahay nin madaxa ka ah qayb ka mid ah ciidammada ilaalada xeebaha iyo labo ruux oo dalka Eritrea u dhashay.Dadka wax tahriibiya ayaa ka faa’iidaystay ammaan xumida Liibiya iyaga oo boqolaal kun oo ruux badda mariyay si ay Yurub u geeyaan. Qaar badan oo ka mid ah tahriibeyaasha ayaa ku go’doonsan xarummo si ku meelgaar ah dadka loogu hayo, iyaga oo waliba jidh-dil kala kulma kuwa wax tahriibiya. Cunaqabtaynta oo ka kooban in safarrada caalamka laga xadho iyo in lacagtooda la xannibo ayaa ka dhalatay qorshe ay soo gudbisay Netherlands taas oo caalamkuna ku taageeray. Qorshahan ayaa markii hore la soo dhigay kawdii bishii May, balse Ruushka ayaa is hortaagay isaga oo dalbaday in uu dib u eego caddaymaha loo cuskanayo lixdaas nin. Cunaqabatayntan aan la filaynin ayaa timid ka dib markii aad looga cadhooday warbixin uu dabayaaqadii sannadkii hore sii daayay telefeshinka CNN taas oo muujinaysa rag tahriibryaal ah oo adoon ahaan loogu xaraashayo Liibiya. Hargeisa Office Related posts:Xidhiidhka Diblamaasiyadeed Ee Somaliland Iyo Tiawan Oo Dunida Siyaabo Kala Duwan Looga Soo Dhaweeya... Madaxweynaha Jsl Dhambaal Hambalyo Ah Udiray Shacabka Curashada Sannadka Cusub Ee Hijiriyada Islaamk... DAAWO;-Maamulka Magaalada Tog Wajaale Oo Bilaabay Dhismaha Wado Cusub, Sheegayna In Ay Tirakoob ku ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|