“Qaranka Somaliland maaha mid la handadi karo, Mana aha mid Gaar loogu riixi karo Xaafado Kamida Kuwii dhaliyay qaranimada Somaliland”.Mustafe Shiine | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Qaranka Somaliland maaha mid la handadi karo, Mana aha mid Gaar loogu riixi karo Xaafado Kamida Kuwii dhaliyay qaranimada Somaliland”.Mustafe Shiine
June 4, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N)- Somaliland waxay ka dhalatay dhaqan kala duwanaanshihii Soomaalidii Talyaanigu gumaystay iyo gobanimdaradii ay reer Somaliland ka dhaxleen walaalihii ay tirsanayeen inay dhiig, dhaqan iyo diinba wadaagaan, kuwaasi oo wax walba isu koobay aakhirkiina beel ka mid ah kuwa Somaliland go’aansaday in qariirada laga tirtiro.

Dulmigii xasuuqa ee beesha dhexe ee reer Somaliland gaar ugu dhacay marka laga tago waxa beelaha kale ee darafyadu ay walaalahooda ay isku dalka iyo dhaqanka yihiin la qabeen xaga horumar la’aanta oo la odhan karo waxaaba looga sad buriyay inta ay beesha dhexe degtoTusaale ahaan waxa aan wax mashruuc horumarineed ah aan laga qaban magaalooyinka Boorama, Saylac, Laasqoray, Badhan, Taleex, Dhahar, iyo Caasimada gobolka Sool ee Laascaanood oon u hoyday 1992, iyadoo laba sakadood oo keliya ah, halka aan safar shaqo ku tegay dabayaaqaeii 1993 magaalada Boorama oo aan gebi ahaanteedba lug ku soo maray baaxad ahaan, berigaan le’ekayd magaalada Gebiley, balse maanta la odhan karo waa kaaf iyo kala dheeri.

Nasiib daradu waxay tahay in dulmigii sida caamka ah ay reer Somaliland u wada qabeen in ka gilgilashadiisii ay beesha dhexe oo keliya ku koobnayd oo aanay walaalaha kale qaarkood u arkayn inay wada dulman yihiin , si kastooy taasi u dhacdayba, waxa 27kii sanadood ee ay hadda Somalilandtu xor ahayd la xaqiijiyay in qarankani yahay mid la wada lee yahay dhismihiisiina lagu soo waday walaalnimo iyo wada hadal, taasi oo la odhan karo waxa ka faa’idey deegaamadii hor ajiibay dawladnimada iyo nabadgelyada sida , Boorama, Gebilay,Hargeysa iyo Berbera.

Inkastoo ay taasi jirto haddana waxa horumarku gaadhay meel walba oo ay ha’adaha dawladu ka hanaqaadeen sida magaalooyinka Burco iyo tan ugu danbeysay oo ah Laascaanood oo ay ka muuqato wanaaga dawlnimadu.

Somaliland kuma iman cayaarcayaar lagumana khasaarin amniga iyo dawladnimada laga wada dhaxlay go’aankii 1991kii 18 may Burco lagu gaadhay oo cid walba ay ka soo qaybgashay, sidaa daraadeed waxaan aaminsanahay in aanay jirin qolo gaar u leh Somaliland ama lagu eegaayo difaaca qaraanka kelideed, inkastoo ay jirto cadaalad daro laga tirsanaayo xukuumadda dhinaca wada lahaanshaha ama ka muuqashada xilalka qaranka marka la eego, taasi oon aaminsanahay in madaxweyne Muuse Biixi uu garowsaday khaladka dhinacaa ka jira oo soo jirey labadii sano ee xukuumaddii uu dhaxlay ugu danbeeyay intii uu Maxamuud Xaashi noqday gacanyarihii madaxwynihii hore ee Somaliland EEBBE caafimaad iyo cimri dherer ha siiyee.

Si kastaba xaalku ha noqdee waxa aan aaminsahay in Cadowga Somaliland ee dalkii aynu kala tagnay aanu ka faa’ideysan doonin mucaaridnimada aanu gudaha ku kala maqanahay oo qarankan difaaciisa aanan loo kala hadhi doonin, waxaanan walaalaha Puntland u soo jeedinayaa in Madaxweyne Muuse aanu beelo qudha u ahayn madaxweyne ee uu dhulka Somaliland oo dhan u yahay, sidaa daraadeedna waxa aan idinkula talin lahaa inaanay xisaabtu idinka qaldamin oo aadan ku degdegin duulaan aad ogtihiin halku uu ku dhamaanayo.

Gobolka Sool Somaliland oo aanay ka mid ahayn dadka deegaankaasi lama hawaysteen cidina ma haysan karteen waana dhul iyo dad reer Somaliland ahee aynu walaalnimadeena dhawro oo sideenii iska kaashano nabadgelyada iyo ka hortaga cadawgan habeen walba idin miraaya.

 

Badhasaabkii Hore Gobolka Maroodi Jeex , Mustafe Cabdi Ciise Shiine

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews.net

Hargaysa Office

COMMENTS
LINKS