Nuxurka Qodobbo Muhiim ah oo Ka Soo baxay Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland ee Maanta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nuxurka Qodobbo Muhiim ah oo Ka Soo baxay Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland ee Maanta
June 28, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Kal-fadhigii 15-aad ee golaha wasiirrada Somaliland yeeshaan, ayaa maanta si rasmi ah uga qabsoomay, xarunta qasriga madaxtooyada qaranka Somaliland.

Shirkan golaha wasiirrada, ayaa waxa guddoominayey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), waxana lagaga hadlay arrimo door ah oo ku saabsan amniga, iyo horumarka qaranka, waxana warbixin dhinaca amniga ah lagaga dhegaystay wasaaradda arrimaha gudaha.

Arrimaha kale ee shirkan lagaga hadlay, ayaa waxa kamid ahaa xaaladda xuduudaha bariga ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo duullaanka lala dul-joogo shacabka deegaannadaas oo muddooyinkii ugu dambeeyey ay weerarro kaga imanayeen maamulka Soomaaliya, waxana shirka lagu muujiyey sida ay Somaliland u danaynayso nabadda iyo deris-wanaagga.

Sidoo kale, waxa uu shirku caddeeyey inay Somaliland ka go’an tahay sugidda xuduudaheeda iyo difaaca dhulkeeda, marnabana aanay weerar ku ahayn xuduudo dal kale, isla-markaana ay Somaliland beesha caalamka iyo dalalka deriskaba u xaqiijinayso Muhiiimadda nabadda iyo degenaanshaha.

 

COMMENTS
LINKS