“Ninka doonaya Siyaasad ama Kursigayga iyo Ka Maxamed Kaahin in Aanu u Sii Dhexmarin Dhiiga Dadka”.Wasiir Boos Mire | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Ninka doonaya Siyaasad ama Kursigayga iyo Ka Maxamed Kaahin in Aanu u Sii Dhexmarin Dhiiga Dadka”.Wasiir Boos Mire
June 5, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N)- Wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed oo xubin ka ahaa wafti ay xukuumada Somaliland u dirtay shaqaaqada deegaanka Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag ayaa ka hadlay halka ay marayso dhexdhaxaadintii labada beelood.

“Wanaag ayaanu halkaas kala nimi Madaxwaynaha iyo dawlada Somaliland daqiiqad kamay fadhiisan gudiyana way leeyihiin labada beelood waana lays arkay tiriimkan sidaan ahayn sidii hore in loo galo oo loo dad badsado ayaa la doonayaa waxaa la doonayaa dad lagu kalsoonyahay oo ay culimada waawayni ka mid tahay oo aan ahayn beelaha iyagu is haya beelaha is hayaana iyagu nusdanbeed ayay ka noqonayaan.”

Dhanka kale wasiir Boos Mire oo hadalkiisii sii wata ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan siyaasiyiin doonaya in ay dhiiga dadka u sii maraan kursigiisa iyo ka Maxamed Kaahin.”Waxaan ugu danbayn hawada u marinayaa fariin oo aanan kusii celinayo ninka doonaya siyaasad ama kursiga Maxamed Kaahin ama kaygoo kale ama waxkaloo dhaqaala ahba ka doonaya in aanu u sii dhexmarin dhiiga dadka islaamnka ah ee uu sistamaadii wax lagu dooran jiray waala dooran karaaye in uu sistamkaa ku doonto ilaahayna waxaan ugu baryaayaa cidii wanaag ka gashay in uu wanaageeda siiyo cidii xumaan ka gasha waa bil ramadaane uu khayr keeda ka siiyo wixii meeshaa daminaya ayay ilaahay iyo umadiisa taageersan tahay uma baahna in lasii fogeeyo arintaa Ceel-afwayn taalaana waa arin qaranka dhaawac ku ah waa arin ay umada reer Somaliland ka wada naxdo waad ogaydeen inta jeer ee ay soo nqo noqotay arintaas sulux wixii waxku taraya mooyaane in layskugu jajawaabo mediaha iyo sida imika dhaday loo badalo lagana sameeyo dilaalis iyo waxkaloo cunfiya oo dadka sii kicinaya waxaan leeyahay halaga fogaado cid walba hanoqoto cidii galaysa”

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews.net

Hargaysa Office

COMMENTS
LINKS