|
|||||
WAJAALE NEWS
Nin lugeeyay in ka badan kun kilomitar si uu ula kulmo Ra’iisul wasaare
June 18, 2018 - Written by Wariye:Hargaysa(WJN):Nin u dhashay dalka Hindiya ayaa lugeeyay ilaa 1,350 killomitar sii u xusuusiyo Ra’iisul wasaaraha dalkaasi inuu dhaqan geliyo ballanqaad uu sameeyay xilligii doorashada. Muktikant Biswal ayaa socod ka billaabay Gobolka bariga ku yaalla ee Orissa wuxuuna lugu ku tagey waqooyiga caasimadda Delhi. Ninkan ayaa lagu daweeyay isbitaal ku yaalla magaalada Agra oo 218 kilomitar uu jirtay halkii uu uu socday. Biswal ayaa lugayntiisa ooga gollahaa inuu xusuusiyo Ra’iisul wasaaraha Hindiya Modi inuu fuliyo ballaanqadayo ahaa inuu dayactiro ku samaynaya isbitaal ku yaalla deegaanka uu kasoo jeedo ninkani. Wuxuu billaabay socodka 16-kii bishii April isagoo sito calanka dalka Hindiya iyadoona ay cadceeddu ay kulushahahay. Ra’iisul wasaaraha Hindiya ayaa sannadkii 2015-ki sheegay in isbitaalka deegaanka uu ka dhigi doono mid casri ah oo laga heli karo dhammaan tashiilaadka caafimaad. Biswal wuxuu BBC-da u sheegay inuu doonaya inuu la kulmo Ra’iisul wasaaraha sii uu uga codsado inuu fuliyo ballaanqaadkii ahaa inuu dayactirayo isbitaalka guud ee Ispat. Wuxuu yiri ” ma garan karo inuu Ra’iisul wasaaraha uu ila kulmi doono iyo in kale” Ra’iisul wasaare Modi wax jawaab ah kama uusan bixinin hadalka Biswal oo baraha bulshada si wayn looga hadal hayay. Hoggaamiyaha mucaaridka dalkaasi ayaa bartiisa twitter-ka kusoo qoray dhacdada Biswal.
Hargaysa Office Wajaalenews.net Wariye Abdiqadir Habbane Related posts:Aqoonyahan Axmed Aw Salawaad Oo Ka Hadlay Heshiiskii Gilgilay Geeska Ee Somaliland Iyo Itoobiya, Xog... Hanti Dhawrka Guud Ee Qaranka oo Albaabada U Laabay Xarunta Dawlada Hoose Ee Hargeysa iyo Baadhis Ay... Wasaarada Isgaadhsiinta Jsl Oo Soo Saartay Wareegto Ay Ku Mamnuucayso Fariimaha Shirkaduhu Udiraan B... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|