|
|||||
WAJAALE NEWS
Muuse biixi halkii laga taabtaaba wey soo Go,aysaa haduu u Cadaalad Sameyn waayey Laba Inan oo uu adeer Yahay yaa ku aaminaya Dalka iyo Dadka
June 27, 2018 - Written by Reporter:Maalin walba waxaa soo baxaya dabci iyo fashilaad Qaran oo boog iyo Nabar ku ah Madaxweynaha Talada haya Muuse Biixi Cabdi taas,oo ku suntan Taariikh Madaw oo shakhsiyan ku Xidhiidhsan tan iyo intii ay barteen Bulshada ugu baddan ee Ku Nooleyd Caasimada Hargeysa,ha ubadnaadaan inta Xogogaalka u ah dacwadaha Dhulka ee lasoo kowsadey kusoo gurya noqoshadii dalka taas,oo qof kasta oo caqli fiicani ku cabiri karro doorka uu ku lahaa boobkii hantidii umadda ka dhexeysay ee Guryihii Shacab Eeriya,oo markii dambena ku baahdey beerihii banaanka Magaalada ee Dawlladii hore laheyd oo u badnaa dhulkii danta Guud. Soomaalidu waxey,tidhaa meyd keebaa u dambeeyay kaa lasii sido,arinta ugu hadalheynta badan ee ceebta iyo boogta ku ah Muuse Biixi,ee Dibadda usoo saartey in uu Qeyb ka ahaa Dacwada Socotey Labaatan sanadood waa ta ka muuqata dhulkaa la isku haystey, ee inantu ka ooyeysay habeen hore Warbaahinta, waana qodobka kaliya ee ay ku kala duwan yihiin Saraakiishii SNM badankooda oo iyagu u arkayey in halgankoodii ku takhaluqey in ay u dadkooda ka xoreeyaan. Ciidamadii Cadaadiska iyo cabudhinta ku hayey, haseyeeshee, aaney aaminsaneyn in ay halgankoodi ku saleeyaan in uu noqdo mid ay xil iyo hanti ku helaan ama ay ku cadaadiyaan dadkii Shacbiga ahaa iyagoo awood u adeegsanaya, waa halka kaliya ee ay ku kala duwan yihiin inta ugu badan ee Mujaahidiintii SNM. Haddaan dadweynaha Reer Somaliland Su,aal ka weydiidyo fadeexadan haddii ay dadku iska qaateen oo ay ka aamuseen in Muuse Biixi Xarun Madaxtooyo kasii dhigto Gurigiisii, iyadoo aan Doorashaba dalka ka dhicin, miyaaney kalitalisnimo aheyn in uu maanta sii qorsheysto Madaxtooyo, ku furan Beertiisii oo uu ka qaadanayo dad Shacbi ah oo labaatan sanadood lagu haystey,oo dhib iyo kharash iyo dacwadi kasoo gaadhey,Waxaan leeyahey Muusaw Waxaad Maagan tahey iyo Waxaad Mudan doontaa kala mid Weeyaan, haddaad umadda ka xishoon, weyday oo illaahay ka cabsoon weydey,oo aad markii hore ku shaqeysatey awoodii halganka SNM maanta aad taladii aad qabatey ugu awood sheeganeyso shacbiga,waa ceeb inteeda lee goo halkii lagaa taabtaaba wey kusoo go,aysaa ileyn nabar iyo boog weeyaan aragtidaadaaniye waxa isweydiin leh ninkaagaa laba inan oo uu adeer u yahey u cadaalad Sameyn Waayey sidee laguugu aaminayaa inaad intaas oo Gobol ee Somaliland iyo shacbigiisa u hogaamiso?
Najiib Ismaaciil Maxamed Gabiley Somaliland Tell:0634466339
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|