|
|||||
WAJAALE NEWS
Murankii ka taagnaa Magaca dalka Macedonia oo ku dhow in la soo afjarro.
June 13, 2018 - Written by Wariye:Hargeisa(WJN):-Rai’sul wasaarayaasha Gariiga iyo Macedonia ayaa ku heshiiyay magac cusub oo uu yeelanayo dalkii horey uga tirsanaan jiray Yugoslav. Dalka Macedonia ayaa imika lagu magacaabi doonaa Jamhuuriyada Waqooyiga Macedonia si loo kala saaro oo aysan isugu ekaan magaca gobol ku yaala Gariiga oo lagu magacaabo Macedonia. Labada dal ayaa arrintan ku muransanaa tan iyo intii Macedonia xor noqatay ka dib dagaalkii Balkaniska ee dhamaaday 25 sano ka hor. Rai’sul wasaaraha Macedonia, Zoran Zaev, ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid lagu dhowrayo tusmada dhaqanka iyo qoomiyadaha dalkiisa. Magacan cusub ee jamhuuriyada Waqooyiga Macedonia ayaa imika loo qaadi doonaa afti qaran. Dowladda Gariiga ayaa in muddo ah diidanayd magaca Macedonia maadaama gobol Gariiga ka tirsan sidoo kale lagu magacaabo Macedonia . Hargeisa Office Related posts:“Somaliland Belo Ciddii Ka Doontaa Waa Inay Goor Kastaba Udiyaarsan Tahay Inay Ka Hesho”Cali Guray. DAAWO ; Haayada Ka Hortaga Aafooyinka Dabiiciga ah Oo Bulshada Somaliland Ugu Digtay Roobab Duufaa... War Deg Deg Ah: Guddida Doorashada Oo Ku Dhawaaqay Natiijada Ka Soo Baxday Doorashadii Madaxtooyada ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|