Mudane Madaxweyne Waa Iga Su’aal. Xagee Ku Socotaa?? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mudane Madaxweyne Waa Iga Su’aal. Xagee Ku Socotaa??
June 3, 2018 - Written by Editor:

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa hadda waxa uu dhameystay Xil-heyntiisa muddo ku dhow todoba Bilood. Isagoo aan ilaa iminka isbedel Muuqda ku sameyn Balanqaadyadiisii oo dhan, kuwaasi oo midkastaaba rajo weyn gelinaayey Bulshadda . laakiin markii hore waxaana loo arkaayey in uu ka dhabeyn doono . Hasa yeeshee sida ay wax u dhacayaan MIYAANEY KAAF IYO KALA DHEERI AHAYN Md Madaxweyne Waxaan dib ugu noqday khudbadahii aad jeedin-jirtey , Anigoo markaasi khudbadaha ka-dhex baadi goobaaya Arimaha aad Balan-qaaday in aad qaban-doonto, ,

madaxtooyada20182

Su’aalaha aan isweydiiyey ayaa waxaa ka mid ahaa : Waxa la odhan-karaa Madaxweyne Muuse  shaqadu weli way kugu culus-tahay, dadweynuhu way saluugsan yihiin golahaaga xukuumadda gaar ahaana kuwa uu u soo xushay xubnaha wasiiradda. : Waxaana igu dhashay jawaabaha su’aalahan soo socda oo ku saabsan balanqaadkii aad hore ugu sheegtay Umadda Somaliland. .

Su’aasha 1aad: Mudane Madaxweyne, waxaad sheegtay dhameystirka Heshiiskii Somaliland la gashay Hogaamiye Prof Cali Khaliif kaasi shacabka Somaliland u Arkaan Inuu Abuuraayo Midnimo Qaran ,  Iyaddoo Gobolka Sool iyo Buuhoodle ay yihiin hawsha ugu mudan maanta Qaranka  . Marka waxaa iga su’aal ah, Mudane Madaxweyne  wada-hadaladda Iyo Heshiiskaasi muddo laba sanno ah ayaa lagu soo tabcaayey sidii loo dhameyn lahaa  , Iyaddoo waxyaalo badan  laysla fahmay ayaad Xukunka la wareegtay. ilaa hada ma-cadda sababta keentay 7 bilood in aan hawshii lagu jirin. Markaa waxaan isweydiin karnaa, Ilaa goorma ayuu fulinta heshiiskaasi dabranaan doonaa.

Su’aasha 2aad: Mudane Madaxweyne,Waxaa iyaduna dhacday in awoodaadii madaxweynaha ee laguu doortay .  si kale loo isticmaalaay , Waxa aynu tusaale ahaan u soo qaadan karnaa wixii ku dhacay . Shirkadda ay ku mideysan-yihiin Beeyaysatadda ee loo yaqaan  “ASLI MEYDI”. In layska hortaagay La-Kulankaaga iyo waxii ay horumar ay fulin lahaydba . Markaa Madaxweyne ma kula tahay inaad martay jid qaldan, . Mase ku haboon tahay in aad dhegaysto cid gaara . Madaama dowladu ay tahay mid ka dhexeysa Bulshadda Somaliland oo dhan. haddii kale Madaxweyne waxaad luminaysaa Howshii laguu ig-maday . Sidoo kale Waxaa Sii Yaraaday Kalsoonidii Umaddu Kugu Qabtay,.Taasi waxay keenaysaa in Marka la eegaayo aminaadda dadka iyo habka iminka Maamulkaagu u socdo, ay ka dhigan-tahay in gunta laga jaraayo Kalsoonidii Qeybaha Bulshadda.

Su’aasha 3aad: Mudane Madaxweyne, Waxaad kaloo sheegtay, In dhinaca dhaqaalaha aad wax ka qaban doonto, hadaba waxaa iga su’aal ah, waa sidee xaaladda dhaqaale ee hadda ka jira Somaliland, sidee ayaad la rabtaa in aad ka dhigto ? Mudane Madaxweyne  markii aad xilka la wareegtay muddo yar ka-dib. waxaad dareerisey shaqaalihii ugu tiro badnaa Somaliland oo ka hawlgalayay wasaaradaha dalka. Tusaale ahaan, heerka shaqo la’aanta hadda ka-jira Somaliland imisa ayuu gaadhsiisan yahay (%), sidoo kale imisa ayaad hadana ka dhimi kartaa

Su’aasha 4aad: Mudane Madaxweyne waxaad hore u tilmaantay muhimadda ay waxbarashadu leedahay, sheegtayna in dhanka waxbarashada howl adag aad ka qaban doonto, hadaba si sax ah oo tiro xisaabeed ku-dhisan ma uga war-haysaa xaaladda guud ee Waxbarashadda Somaliland . (Gaar ahaan Heerkii Lagaaga Fadhiyey iyo Halka ay Marayso).

Su’aasha 5aad: Mudane Madaxweyne, Waxyaabaha Iyadana aad tilmaantay inaad mudnaanta weyn siin doonto, waxaa ka mid ahaa Arimaha Caafimaadka, Hadaba Mudane Madaxweyne, Heerka Caafimaad ee maanta Somaliland iyo baahida dalka ka- jirta.  si sax ah ma uga war-haysaa, siiba Adeegyadda Caafimaadka hadda Goboladda Bariga Somaliland waa sidee , Adigoo fulinaaya balanqaadkaagii sidee ayaad ka rabtaa: Ma dhici kartaa Madaxweyne.  In Dhakhtaro cusub oo leh adeegyo caafimaad oo heer sare ah aad dhisi karto?? Sidoo kale Kuwii hore  ma dhici kartaa inaad dayactir ku sameyso ??

Mudane Madaxweyne  ma jirto fursad ay dowladdu siisay Bulshadda Rayidka , Si ay ugu qayb qaataan taladda dalka taasi oo xukuumadda u noqon-lahayd mid ka tarjumaysa rabitaanka Shacabka. iyo wanaajinta xidhiidhka wada shaqayneed ee Bulshadda . Sidoo kale dowladda loogu soo gudbin lahaa talooyinka ku aaddan : La-dagaallanka Musuqmaasuqa, Maamul wanaaga, Horumarinta: Dhaqaalaha Caafimaadka Waxbarashadda Shaqo la,aanta iyo arrimo kale oo muhiim u ah dowlad dhisidda Somaliland.

Markaa waxaan ku soo gunaanadayaa hal-xidhaalaha Siyaasadeed ee Maanta ku  hor-yaalla iyo sida aad uga go’aan qaato karti-daradda iyo ceebaha dul hoganaaya xukuumadaada. maadaama mudadii Todobada bilood  ee ay xilka hayeen ay u muuqdaan kuwo ku fashilmay Waajibaadkii Qaran ee loo Igmaday,amuurtanina ay weji gabax ku tahay haybada dawladnimo.   Alle hayna garansiiyo Wixii wanaagsan

W/Q: Adan Yusuf Elmi.

COMMENTS
LINKS