|
|||||
WAJAALE NEWS
Midowga Yurub oo ku kala qaybsan arrinta muhaajiriinta
June 29, 2018 - Written by Reporter:Hargaysa (WJN)- Shir madaxeedka Midowga Yurub ee ballaadhan ayaa dhammaan kara iyadoo aan wax natiijo ah laga gaadhin sidii xal loogu heli lahaa khilaafka la xidhiidha sidii laga yeeli lahaa soogalootiga sharci darrada ah. Talyaaniga oo ah halka ay kasoo dhul bilaabaan kumanaan muhaajiriin ah, oo badan koodu ka yimid Afrika – ayaa sheegaya in uu adeegsanayo codka diidmada qayaxan oo kadhan ah warmurtiyeed kasta oo shirkaas kasoo baxa haddii aan mushkiladdan xal loo helin. Hoggaamiye-yaasha ayaa ka doodaya xudunta uu khilaafkani ku salaysan yahay xilliga cashada. Talyaaniga ayaa ka doonaya dalalka kale in ay culayska la qaybsadaan. Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa sheegtay in la joogo xilligii Midowga Yurub ay arrintan go’aan adag ka gaadhi lahaayeen. Mrs Merkel ayaa waxaa saaran cadaadis ah in ay la timaaddo heshiis looga hortago soogalootiga cusub. Muhaajiriinta soo qulqulaya ayaa sidoo kale waxaa kujira qaxootiga kasoo cararaya dagaalka Suuriya iyo loollanno kale, kuwaas oo raadinaya magangalyo degdeg ah. Dhibaatada ayaa aad uga ballaadhan sidii hore ee sanadkii 2015-kii, markaas oo kumanaan muhaajiriin ah ay dhanka badda kasoo gali jireen jasiiradaha dalka Giriigga. Golaha midowga Yurub – hoggaanka Midowga Yurub ee dhanka Istiraatiijiyadda – ayaa sheegaya in tirada muhaajiriinta sida sharci darrada ah usoo galaysa Midowga Yurub ay hoos u dhacday 96% tan iyo sanadkii 2015-tii oo ay tirada muhaajiriintu gaadhay halkii ugu saraysay.
Related posts:Daawo: Waraysi Dhinacyo Badan Taabanaya Oo Lala Yeeshay Safiirka Somaliland Ee Imaaraadka Iyo Arriim... Ex: Wasiir Cukuse oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay iyo Masuuliyiin Xukuumada Ka Tirsan oo Soo Dhaweeyay DAAWO; Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyada Oo Faahfaahiyay Sababaha Uu Xilka Isaga Casilay Luuqad Adagna... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|