|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Muuse Biixi oo Sheegay inuu dhawaan Furmi doono Shirweyne Lagu Soo af-jarayo Colaadda Ceel-afwayn
June 26, 2018 - Written by Reporter:Hargaysa (WJN)- Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Munaasibad ballaadhan oo lagu xusayo sanad-guurada 58-aad ee kasoo wareegtay 26-kii June 1960-kii oo ku beegan markii ay Somaliland xorriyadeeda ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska ayaa waxa uu ka hadlay shirka deegaanka Gacan-libaax ee gobolka Saaxil uga socda mid kamid ah beelaha dega Somaliland, waxaana uu tilmaamay in wanaag iyo sii adkaynta nabaddu tahay waxyaabaha ugu waaweyn ee shirkaas laga filayo. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu sheegay inuu dhawaan furmi doono shirweyne lagu soo af-jarayo colaadda u dhaxaysa bulshada walaalaha ah ee ku dhaqan deegaanka Ceel-afweyn, kaas oo qaranku xoogga saari doono sidii ay dareennada colaadda xambaarsani meesha uga bixi lahaayeen.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|