Madaxweyne Biixi Oo Kulan La Qaatay Wasiiradda Beelaha GARXAJIS, Kuna Amray In Aanay Ka Qayb-galin Shirka Ka Socda Buurta Gacan Libaax | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Biixi Oo Kulan La Qaatay Wasiiradda Beelaha GARXAJIS, Kuna Amray In Aanay Ka Qayb-galin Shirka Ka Socda Buurta Gacan Libaax
June 24, 2018 - Written by Editor:

 Hargeisa(W.N):-Buurta Gacan Libaax ee gobolka ayaa waxa uu Maalintii Labaad shir uga socdaa Mid ka mid ah Beelaha Garxajis

Shirkan oo ay kaga tashanayaan aayahooda isla markaana ay soo socotay qabanqaabadiisu muddo dheer ayaa si aad ah isha loogu hayaa furitaankiisa iyo waxyaabaha ka soo bixi doonaa muddo lix cisho ah uu shirkaasi socon doono.

Marka laga yimaado bulshadda Somaliland, xukuumadda KULMIYE uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa iyaduna si aad ah ula socota shirkaasi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan uu la yeeshay Wasiiradda Beesha uu shirku uga socdo Buurta Gacan Libaax waxa uu kala hadlay qodobo ay ka mid yihiin shirkaasi.

Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland ayaa wasiiradiisa ku adkeeyay in aanay ka qayb gelin shirka Buurta Gacan Libaax ee Ay beeshoodu qabsanayso, wasiiradii iyo masuuliyiintii ka soo xaadiray Kulankaas oo aan warbaahinta loo ogolayna way ku waafaqeen Madaxweynahooda.

Arrintan ayaa loo fasirtay in ay dabo socoto hadal uu hore ugu khudbadeeyay Golihiisa wasiiradda, kuwaas oo kuu adkeeyay in aanay ka qayb geli Karin shirarka ay Beelahoodu Qabsanayaan.

COMMENTS
LINKS