Madaxweynaha Somaliland Oo Si Kulul U Canbaareeyey Qaraxii Ka Dhacay Dalka Ethiopia Gaar Ahaan Addisababa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland Oo Si Kulul U Canbaareeyey Qaraxii Ka Dhacay Dalka Ethiopia Gaar Ahaan Addisababa.
June 24, 2018 - Written by Editor:

Madaxweynaha Jahmhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa cambaareeyey qaraxii maanta ka dhacay isu soo bixii shacbiga ee lagu qabtay  fagaaraha Meskel Square ee magaalada Addis-ababa  ee lagu taageerayey Raysul-wasaare  Abiy Ahmed, sidaasna waxa sheegtay wakaaladda wararka ee SOLNA.

Sidoo kale waxa ay madaxweynaha iyo goleyaasha qaranka ee JSL ka tacsiyeynayaan  Raysal-wasaaraha Itoobiya Md. Abiy Ahmed,xukuumadiisa iyo shacbigaba, dadkii ku geeriyooday iyo intii kale ee ku dhaawacan tahay qaraxaas  oo  fal arxan darro ahaa oo ay sameeyeen kuwa nabad diid ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Somaliland Md. Muuse Biixi  Cabdi waxa uu  sheegay in xukuumad iyo shacbiba ay garab taagan yihiin dawladda iyo shacbiga Itoobiya oo ay wadaagaan xidhiidh sokeeye, mid derisnimo iyo saaxiibtinimaba.

COMMENTS
LINKS